Waxay Horumar Sameeyeen Iyaga oo Waayay Caadifadda Waaldinimo!

0
325

Marka ilmaha yari uu ku dhex koro qoyskooda dhexdiisa, waxay taasi siisaa dareen iyo fikir wanaagsan, waxaana ay halkaasi noqotaa meesha ay caruur badani ka bilaabeen curinta iyo wax soo saarka. Laakiin haddana dhinaca kale waxa jira ubad badan oo waayay koritaankii waalidnimo oo haddana dunida caan ka noqday. Ubadkaasi oo la koray qoysas aan ahayn waalidintooda.
Madaxweynihii 42aad ee Maraykanka Bill Clinton ayaa la sheegay inuu aabihii dhintay isagoo yar isla markaana ay hooyadiina ka safartay . Clinton ayaa la sheegay inay korisay ayaydii . Waxaana la sheegay in markii uu gaadhay 15 sano ay hooyadii soo noqotay iyadoo guursatay nin lagu magacaabi jiray Roger Clinton. Waxaana la sheegay Clinton inuu ahaa magaca qoyska hooyadii uu dhaxday ee aanu ahayn magacii aabihii. Sidaa darteedna isagoo ku soo barbaaray noloshaasi aan waalidku shaqo ku lahayn haddana wuxu noqday nin caan ah.
Sidaasi oo kale ayuu Nelson Mandela uu leeyahay qisas cajiib ah. Nelson aabihii wuxu dhintay isagoo yar, taasi oo keentay inay hooyadii awoodi weydo korintiisa waxayn u dhiibtay qoyskii ku jiray qasrigii great palce. Waxaana muddo dheer Mandela xanaanayn jiray nin lagu magacaabo  Jongintaba Dalindyebo isagoon hooyadiina arag. Haddana waxa uu noqday ninka dadka madow ee koonfur Africa ka xoreeyay gumaysigii cadaanka.
 

Leave a Reply