Gabadha lagu magacaabo Amanda liberl ayaa tan iyo yaraanteedi ka cabanaysa xanuunka ku dhaca lafaha ee koritaanka u diida qofka, sidaas darteedna dhererkeeda ayaa dhaafin oo isku taagay 81.28 cm.
Wakhtigaasi dhakhaatiirta ayaa qoyskeeda u sheegay in aanay muddo dheer sii noolaan Karin. Laakiin Amanda waxay weligeed niyadda ku haysay inay noqoto qof xaas iyo caruur leh. Amanda waxay maalin kulmeen Stephen kaasi oo markiiba goostay inuu guursado.
Dhereka Stephen ayaa ah 1.85.42 cm , isagoo xagga da’dana ka yar 6 sanadood. Guurkooda ayaa soo jiitay indhaha dunida wakhtigaasi. Amanda oo Wakhtigan ku nool dalkeeda ayaa haysata wiil ay dhashay waxayna sheegtay inay hadafkeedii uu noqday mid xaqiiq ah, kii dhakhatiirtuna uu noqday mid been ah “weli waanigaa anigu nool ee xaaska ah, ee caruurta leh, waxaana aan helay nin wanaagsan ooo naxariis badan,” ayay tidhi.