Dhegaha Ayuu Iska Jaray Si Shimbirtiisa Ugu Eekaado!

0
309

Nin Ingiriis ah oo lagu magacaabo Richard, da’diisuna tahay 56 sanno jir ayaa labada dhegood iska gooyay si uu ugu eekaado shimbir baqaaq ah oo uu leeyahay.
 
Sida lagu baahiyay bogga “The Huffington Post” , ninka ayaa wejigiisa meelo badan ka dalooliyay isago doonayay inuu u eekaado shimbirkiisa.
Richard ayaa wakaaladda wararka ee South West News Service u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dhegaha iska jaro. Waxaana uu ka codsaday dhakhaatiirta inay u sameeyaan af dhuuban oo kan shimbirta oo kale ah, marka ay ku sameeyaan qaliinka dhegaha uu iskaga jarayo.
 
Qaliinkan ayaa qaatay 6 saacadood oo joogto ah. Waxaana la sheegay in Richard uu carabkiisan laba qaybood ka dhigay, isagoo madaxiisa laba gees u sameeyay, iyo weliba 110 dalool oo wejiga ah sida lagu daabacay wargeyska Mirror ee Ingriiska.
Ninkan ayaa bulshadu ku naanaystaa Ninkii Babqaaga ahaa. Ninkan ayay ku soo kordhay mushkulad isagoo waayay meel uu qabata muraayadiisa indhaha,
Dhakhaatiirta aya markii danbe  ku xalilay inay u sameeyaan bir jidhka ku dhegta si ay muraayadiisa ugu qabato.

Leave a Reply