Caruurta Oo Subixii Sii Quraacataa Waxay Keentaa Xirfado Ay U Yeeshaan Waxbarashadooda

0
360

Khubarada dhanka waxbarashada wadanka Ingiriiska ayaa daraasad ay natiijadeeda hordhac ahaan usoo saareen sheegay in caruurta oo subixii sii quraacata ay keento inay caruurtu ku guulaysato waxbarashadooda.
Daraasadan ayaa tusaale lagaga qaaday  caruur arday ah oo da’doodu u dhaxayso 9 sanno ilaa 11 sanno, kuwaas oo dugsiyada hoose dhexe ka dhigta wadanka Ingiriiska, waxaanay dugsiyada laga qaaday tijaabadani ay gaadhayeen ilaa 100 school.
Khubaradan ayaa sheegay in quraacda ay dugsiga ka cunaan ka fiican tahay guriga ka soo cunaan oo ah tu iyada oo fresh ah la soo siiyo caruurtaasi, waxaana la ururinaayey daraasadan warbixinteeda muddo 6 bilood ilaa 18 bilood ah, waxaanay khubaradani sheegeen inay is bedel badan ku arkeen ardaydaasi waxbarashadooda oo qaarkood kaalmaha hore ka galeen fasaladooda waqtigaasi.
Khubaradan ayaa intii ay daraasadan wadeen waxay adeegsanayeen waraaqo ay ku qoreen su’aalo la xidhiidha  faraqa u dhexeeya quraacda caruurtu subixii sii cunto iyo sidoo kale guulaha ay ardaydu dugsiyada kazoo hooyaan,waxaanay ugu dambayn sheegeen khubaradani in ardaydaasi sida joogtada ah u cunta subixii quraacdu ay heer wanaagsan ka gaadhaan heerkooda waxbarasho.
Khubaradan ayaa sidoo kale kaashanaayey khubaro kale oo dhinaca cuntooyinka qaabilsan, kuwaas oo iyaguna soo jeediyey in cuntada ay caruurtu cunaysaa noqdaan kuwo tayo leh, gaar ahaana cuntooyinka maskaxda koriya.
Daraasadan ayaa soo gebo gebayn doonta doodo ka dhex taagnaa bulshada Ingiriiska dhexdooda oo lagaga hadlaayey faa’iidooyinka ay quraacdu u lee dahay ardayda  subaxdii iyo qoysaska.


 

Leave a Reply