Diyaarad Guuxeeda Ka Dheeraynaysa Oo Nooceedu Caalamka Ku Cusub Yahay Oo Markii Ugu Horeysay Lasoo Saaray

0
355

Shirkadda Airbus “AS2” ayaa soo saartay diyaarad nooceedu caalamka ku cusub yahay oo ay sheegeen inay guuxeeda ka dheerayn doonto, taas oo shaqadeeda la cayimay waqtiga ay bilaabayso.
Khubaradan ayaa sheegay in diyaaradani socdaalo ugu bixi doonto wadamo iyo magaalooyin kala duwan, waxaana kamid ah magaalooyinka ay saacadaha yar ku tegi doono diyaaradani London, Newyork  oo ay ku tagi doonto muddo saddex saacadood ah.
Shirkadda masuuliyiinteeda ayaa sheegay in ay rajaynayaan inay dhismaha diyaaradan ku dhamaystiraan sannadka soo socda dhexdiisa wadanka Maraykanka wershadaha ay ku lee yihiin, waxaanay intaas ku dareen in hadiii ay shaqadu u socoto sida loogu talo galay inay shaqadooda bilaabi doonaan horaanta 2021 ilaa 2023.
Shirkaddan ayaa sheegtay in xawaaraha ay diyaaradani ku shaqayn  doontaa uu noqon doono 1960 km/h, iyada oo diyaaradii ugu horeysay ee guuxeeda ka dheerayn jirtay lagana lahaa wadanka Faransiiska oo lagu magcaabi jiray Concorde ay ku socon jirtay xawaare dhan 2170 km/h.
Kooxda kormeerka diyaaradaasi ayaa sheegay inay aad ugu bogeen baalashada diyaaradaasi oo ah kuwo ka samaysan waxyaalo Carbon ah oo adag, iyada oo la rajaynaayo in laysku xidho qaybeheeda shidaalka iyo qaybaha suurta gelinaaya inay fadhiisato.
Diyaaradan qaabaynteeda iyo ka qayb qaadashada dhismeheeda waxa qayb weyn ka ah shirkadda Maraykanka ah ee Oiriun,taas oo uu mulkiyadeeda lee yahay ninka Billionairka ah ee Robert Bass.
Madaxa shirkaddan Arian ayaa sheegay inay hadda shirkaddu gashay xulashada qaabka uu noqonaayo mashiinka diyaaradaasi ay yeelan doonto ,iyada oo cidda mashruucaasi qaadanaysaa ay heli doonto lacag ka badan $100 million oo Dollar.

Leave a Reply