Hurdada Badani Waxay Keentaa Qofka Oo Qaada Xanuuno Dhimasho Keenna

0
339

Khubarrada caafimaadka ee wadanka Maraykanka ayaa ka digay hurdo badan oo qofku seexdo ,taas oo ay sheegeen inay keento xanuuno ay kamid yihiin macaanka,wadne xanuunka iyo unugyada dhiiga ee wadnaha taga oo xidhma.
Khubaradan ayaa is barbar dhig ku sameeyey dadka saacadaha badan shaqeeya iyo kuwa waqtiyada badan hurda oo shaqo ahaan yar oo ay sheegeen in ay caafimaad ahaan kala xun yihiin,sidoo kalena laga yaabo inay ka qaadaan hurdada badan xanuuno.
Daraasadan oo ay dhowaan khubaradani soo saareen ayay ku sheegeen inay  baadhitaan ku sameeyeen kooxo dhalinyaro ah oo da’dii dhexe ku jira,kuwaas oo  baadhis lagu sameeyey dhiigooda laga helay waxyaalo ay khubaradaasi sheegeen inay ka hortagaan xaanuunada qaarkood,gaar ahaana xanuunada ka dhasha macaanka ama  Sonkortu keento.
Khubaradan ayaa sheegay in dadka hurdada badan seexda oo weliba ku noq noqdaa ay keento khal khal unugyada hurdada qaabilsan ah iyo sidoo kalena Insulin ta burburisa sonkorta oo hoos u dhacda,shaqadiina joojisa.
Khubaradan ayaa dadka kula talisay inay hurdadooda ka dhigaan mid dhex dhexaad ah oo aan waqtigeeda macquulka ah dhaafin.

Leave a Reply