Hubka Halista Ah Waa Khatar Dunida Dul Taagan

0
411

Hubka halista ah ayaa khubaro badan u arkaan mid waxa keliya ee uu soo kordhiyay ay tahay in aduunyada ay halis joogto ah ku jirto. Waxaana la sheegay in Ruushku yahay kan ugu weyn ee haysta hubkaasi isagoo 8400 madax hubka nucleraka ah kaydsaday, halka Maraykanka la sheegay inuu haysto 7650, dalka sadexaadan uu yahay Faransiiska oo hayst 300 iyo Shiinaha oo isna leh 240 qumbulo duriya ah.
Dalka Maraykanka ayaa la sheegya in sanadkii 1958 laga waayay qunbulad xaruntii lagu hayay. Gobolka New Mexico ee Maraykanka ayay ku taalla xarun 12 saacadood oo keliya sanadka dhan furan kaas oo lagu soo bandhigo noocayda hubkaasi. Waxaan la sheegay in Qunbulada loo yaqaan  Tsar Bomb ay tahay tan ugu halista badan taasi oo  oo meesha lagu rido 64 km oo kor iyo 40 dhinacyada ah khasaare u geysanaysa. Waxaana aqoonyahandaasi ka digeen in kharash badan lagu bixiyo wakhtigan hubkaasi iyadoo dunida ay malaayiin qof ugu dhimanayaan gaajo iyo caafimaad daro.

Leave a Reply