Amniga garoomada ciyaaraha Yurub oo la adkeeyay

0
387

Amniga ayaa si adag loo adkeynayaa inta ay socdaan ciyaaraha maanta ee dhammaan qaaradda Yurub.

Garoomada sida aadka ah loo ilaalinaayo waxaa ka mid ah kan ay ka dheceyso ciyaarta u dhexeysa Barcelona iyo Real Madrid ee El Clasic, kaddib weeraradii dhimashada badan sababay ee Paris.
Ugu yaraan kun (1,000) askeri ayaa xaadiri doona taas oo laba jibaar ku ah ciidamadii horey loo geyn jiray kulamada u dhexeeya labadan koox ee Real Madrid iyo Barcelona.
Ciyaartan El Casico ayaa galabta dhici doonta. Waxaana tagaya karoonka 80 kun oo qof sida la filayo.
Sidoo kale garoomada ay ka dhacayaan ciyaaraha horyaalka Britain ee Premier League ayaa amnigooda la adkeynayaan.
Waxaa sidoo kale amniga la sugi doonaa inta ay socdaan horyaalada Jarmalka iyo Faransiiska.
Qaar ka mid ah ciyaaraha horyaalada kala duwan ee Faransiiska ayaa xalay bilowday, waxaana ka muuqatay in amniga aad loo ilaalinaayay.
Garoonka “The Stade de France” waxa uu ka mid ahaa goobihii Jimcihii hore la bartilmaameedsaday, seddax qof ayaana halkaasi isku qarxisay.
Garoonkaasi waxaa ka socotay ciyaar u dhexeyay Faransiiska iyo Jarmalka oo saaxiibtinimo ah, waxaana ka mid ahaa daawadayaasha madaxweynaha dalkaasi Mr Hollande.

Leave a Reply