US: Weerarkii Mali waa la soo afjaray

0
305

Weerar ay fuliyeen koox xagjiriin ah oo afduub u qabsatay 170 qof oo deganeyd hoteelka Radisson Blue ee magaalada Bamako ayaa la soo afjaray, sida ay sheegayaan xubno Mareykan ah.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa weerarkaasi cambaareeyay.
Dowladda mali waxa ay sheegeysaan aysan jirin dad kale oo kooxda ay haysato, welina la baacsanaayo.
Dowladda Mali ayaa waxa ay ku dhawaaqday 10 maalin oo xaalad degdeg ah, kadib weerarkii lagu qaaday hoteelka ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako, kaas oo ay ka dambeeyeen koox Islaamiyiin jihaad doon ah.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegtay in wararka hordhaca ah ay sheegayaan in qof Mareykan ah uusan ku lug yeelanin howlgalka lagu galay hoteelka.
Madaxweynaha dalkaasi Mali, Ibrahim Boubacar Keita waxa uu tilmaamay in 21 qof ay weerarka ku dhinteen, ayna kamid yihiin laba askeri iyo laba kamid ah dableyda weerarka qaaday.
Todobo qof ayaa ku dhaawacantay, inkabadan 130 qof oo hoteelka deganeydna afduub ahaan ayaa loo qabsaday intuu weerarka socday, saacado kadibna waala siidaayay.
Waxa ay xurriyadooda heleen markii ciidamo gaar ah ay hoteelka galeen. Weerarka waxaa sheegatay koox lagu magacaabo, Muraabidhuun oo fadhigeedu yahay Waqooyiga AFrika, waxayna xiriir la leedahay Alqacidda.
Waa kooxdii ka dambeysay weerarkii dhimashada badan sababay ee xarunta shidaalka Algeria lagu qaaday laba sano ka hor.

Leave a Reply