UN oo ogolaatay weerar ka dhan ah Daacish

0
292

Golaha amniga ee Qaramada midoobeey ayaa si aqlabiyad ah waxa ay u meel mariyeen qaraar dhammaan dalalka awooda leh ay ka qeybgalaan dagaal ka dhan ah kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

Qaraarkan ayaa ku baaqaya in dalalka xubnaha ka ah UN ay burburiyaan meelaha kooxda gabaadka u ah ee Suuriya iyo Ciraaq.
Waxa uu sidoo kale Qaramada Midoobeey dalbatay in tallaabada iyo wada shaqeynta la laba jibaaro iyadoo la adeegsanaayo wax kastoo lagama maarmaan ah.
Qoraalka qaraarka la meel mariyay waxaa gudbisay Faransiiska kadib weeraradii Paris.
Waxa ay sheegeen in kooxda Daacish ay tahay halista aan horey loo arag oo ka dhan ah amniga iyo nabadda caalamka oo dhan.
Qorshahan ay Qaramada midoobeey sida aqlabiyadda ah u meelmarisay ma aha  mid lid ku ah xeerka todobaad ee golaha, kaas oo si gaar ah u ogolaanaaya in awood la adeegsan karo.
Faransiiska waxa ay ku murmeysaa in tallaabo militari ayba tahay mid qiil loo helayo, sababtoo ah waxa ay sheegayaan in dalalka ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan.

Leave a Reply