Wuxu ku yimi Imtixaanka Bas uu Soo Xaday!

0
304

Arday u dhashay dalka koonfur Afrika ayaa maalmaha soo socda ay maxkamadi ku bilaabmi doontaa, iyada oo nooca dacwadiisu la xiidho kiisas edbin ah , ka dib markii uu gaadhi bas ah oo uu soo xaday ay isaga iyo saaxiibadii ku yimaadeen goobta imtixaanka. Ardyag ayaa baskan ka kaxaystay istaanka caadiga ah isaga oo aanu saarnayn darawalkii watay. maalintii Isniintii todobaadkii hore. Ardayga ayaa ku qaaday dhamaan ardaydii imtixaanka u fadhiisanaysay iyagoo ka baxay Cape town kuna socday  magaalada Betty Bai kale, oo  u jirta 30 mayl. Maamulaha dugisga ayaa maxkamada ka codsaday in kiiska la khafiifiyo madaama oo uu ahaa mid khuseeya arrin waxbarasho.
Telefishinka INCI ee maxaliga ah ayaa waraysi uu ka qaaday ardayda raacday midkood uu sheegay in aanay ka gaadheeen imtixaanka haddii aanu ardaygu badbaadin. Wargeyska Daily voice oo dalkaasi ka soo baxa ayaa sheegay in todobaadkan dacawada la soo afjari doono.

Leave a Reply