Khubaro Ruusha Oo Sameeyey Raadaaro Lagaga hortegaayo Weerarada Argagixisonimo

0
370

khubarada jaamacadda Tomsk University ayaa soo saaray qalab raadaaro ah oo ay sheegeen inay kaga hortegayaan laguna ogaan karo weeraro kasta oo argagixisadawaxay ugu yeedheen ay kusoo qaadi karaan dadkooda.
qalabkan ayaa ka samaysan qalab qarsoodi ah iyo sidoo kalena waxyaalo samaynaaya qaylo,kuwaas oo lagu xidhaayo kamarado qarsoon oo la soconaaya dhaq dhaqaaqa uu qofku samaynaayo.
qalabkan ayaa ka kooban kana samaysan qalabka loo yaqaano Diode,kaas oo ah ka u saamaxaaya inuu u shaqeeyo habkaasi ,sidoo kalena qabto hawlaha lagu borogaraamiyey.
qalabkan ayaa loo isticmaali karaa meelaha muhiimka ah ,gaar ahaana meelaha madaarada,xarumaha radar-rada la dhigo,meelaha gawaadhida laga raaco iyo tareenada ,meelaha dadku isugu yimaado,meelaha nasashada,garoomada ciyaaraha io meel kasta oo muhiim ah.
waxyaalaha radiation-ka ah ee uu soo saaraayo qalabkani ayaa isaguna ah mid aad looga taxadiray oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin dadka,waxaana qalabkan si cad loo soo gelin doonaa suuqa inta lagu jiro sannadkan 2015-ga,iyada oo ay aad u danaynayaan laamaha amaanka ee Ruushka iyo danjireyaasha wadamada dibada ee Ruushka joogaaba.

Leave a Reply