Wefti Culus Oo Ka Socda Somaliland Oo u Kicitimay Kenya

0
325

Hargeysa(Dawan) Wefti  uu hogaaminayo  Wasiirka wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr: Sacad Cali Shire, ayaa  socdaal shaqo oo la xidhiidha dhinaca Horumarka ugu kicitimay dalka Kenya. Weftigan waxa xubno ka ah  Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka   Cali Ismaaciil Xuseen (Shoombe),  Wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye)  iyo Gudoomiyaha Maxkamadda  sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed.
“Ujeedada socdaalkayagu waa inaanu la kulanNo safaaradaha iyo Haay’adaha aynu wada shaqaynta ka leenahay xaga horumarka,oo aanu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa  iskaashiga innaga dhaxeeya  loona tayayn laha  xidhiidhkeenna,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ka hor intii aanay dalka ka dhoofin shalay.
Wasiirku waxa uu sheegay in Ha’yadaha UN-ta ay isla falan-qeyn doonaan mashaariicda ay wada jirka u fuliyaan Somaliland iyo Qarrammadda midoobay. Waxa kale oo uu xusay inay kulan la yeelan doonaan jaaliyadda Somaliland ee degan Kenya. “Inta aanu joognana waxaanu la kulmi doonaa Haddii ALLE yidhaahdo  safaaradaha iyo Hay’adahaba waxa kale oo aanu la kulmi doonaa oo aanu ka faa’iidaysan doonaa jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Kenya,waxaanu  ka hawl-gelayna sidii xafiiska Somaliland ee Nairobi  sidii loo tayayn lahaa ee dib loogu furi lahaa ayaanu ka hawlgalaynaa. Waxa  safarkan nagala shaqaynaya Hay’adaha UN-ta  oo runtii balamahan noo sii samaysay markaa balan ayaanu ku tagaynaa ee iska tagi mayno,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Qorshaha nooguma jirto  inaanu la kulano Madaxweynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Kenya,  laakiin waanu isku dayaynaa inaanu la kulanno.”
“Wasaaradu xilal badan bay leedahay ee xilka ictiraaf raadintu waa ka mid aanu xil-gaara iska saarayno, waananu ku dedaalaynaa Haddii ALLE yidhaahdo. waxaanu doonaynaa inaanu tayayno xafiisyada aanu ku leenahay wadamada kale oo aanu hawl-gelino qurba-joogeenna. Waxa kale oo aanu  doonaynaa inaanu xafiiska laftiisa tayayno oo isu wada tagno oo asaxaabteenna kale aynu wada hawl-gelino , oo aynu isugu wada tagno sidii Somaliland Ictiraaf loogu heli lahaa,”ayuu sheegay Dr.Sacad Cali Shire.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply