“Anigu Waxaan Ka Fikiraa Danta Qaranka,Cidna Lama Caytamo” Faysal Cali Waraabe

0
385

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.  Faysal  Cali Waraabe,  oo dalka Angola kaga qayb galay  shirka  axsaabta bidix-dhexe oo ah urur ay ku bahoobeen 161 ka mid ah xisbiyadda dimoqraadiga ah ee caalamka, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Waxaanu sheegay Eng. Faysal in  sanadkan shirka   lagaga hadlay dhibaatooyinka caalamka ka taagan sida qoxoontiga, is-bedelka cimiladda iyo dhaqaalaha, shirkaasi oo ka dhacay caasimadda dalka Angola ee Luanda waxaa   sanadkan ka soo qayb galay  144 xisbi oo ka mid ah axsaabta ku jirta ururka bidix-dhexe. Guddoomiyaha UCID oo  warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa  markii  uu ka soo degay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay  arrimaha lagaga hadlay shirka uu Angola kaga qayb galay iyo waaxyaabihii ka soo baxday. Waxaanu yidhi  “Shirka  aan ka qaybgalay waxa uu ahaa shirkii axsaabta bidix dhexe,  waa urur ay ku jiraan 161 axsaabta caalamka ka mid ah, oo 50 ka mid ahina ay  xiligan ka taliyaan wadamadoodda.   Sida  xisbiga Sweden oo kale iyo French.  Markaa  doorkan  waxaa  yimid  oo ka soo qayb galay 144 dal”. “Waxaana  lagaga hadlayay dhibaatooyinka adduunka ka taagan.  qoxoontiga ha ahaato,  cimiladda,  dhaqaalaha,  arrimahaas ayaa lagaga hadlayay.  Dalkan  shirka lagu qabtay ee  Angola waxa uu ahaa dal 17 sano dagaallo ay ka jireen,   hase ahaatee imika nabad ku nool.  Aad  iyo aad ayay u ixtiraamaan Soomaalida.   Soomaalida waxaa ku nool   dad  gaadhaya   ilaa 300 kun” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca kale Eng. Faysal Cali Waraabe,  oo wax laga waydiiyay khilaafka ka dhex taagan xisbiga uu guddoomiyaha u yahay ee UCID gaar ahaana  isaga iyo Jamaal Cali Xuseen,   ayaa ka  gaabsaday in uu  si waafi ah uga hadlo arrintaasi. Waxaanu yidhi  “Anigu nin weyn  ayaan ahay,  waxaan  ka fikiraa qaranka Somaliland. Nidaamkiisa iyo wanaagiisa,  anigu cid lama caytamo.  Markaa  danta guud ayaan ka hadlaa”.
By: Khadar  M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply