Wasaaradda Macdanta Oo Iska Fogaysay Eedo Ay u Jeediyeen Guddida Ilaalinta Hantida Ee Wakiiladda

0
395

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland  Siciid Axmed Jibrii, l ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay u soo jeediyeen guddida  ilaalinta  ghantida qaranka ee Golaha Wakiiladda.
Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Macdantal oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in markii hore wasaarradda la isku odhan jirkay wasaaradda macdanta, biyaha iyo tamarta, hase yeeshee loo qaybiyay labada wasaaradood ee kala  ah  Khayraadka Biyaha iyo Macdanta iyo Tamarta. Isla markaana dhammaan xafiisyadii gobollada iyo degmooyinka dalka ay la wareegtay wasaaradda Khayraadka Biyaha.
Siciid Axmed Jibriil waxa kale oo uu sheegay in wakhti xaadirkan ay ku dedaalayaan kuna gudo jiraan sidii loo hawl-gelin lahaa xafiisyadii wasaaradda ee gobollada iyo degmooyinka dalka, maadaama oo xafiisyadii hore ee jiray ay la wareegtay wasaaradda Khayraadka Biyaha.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in aanay jirin wax musuqmaasuq oo ah ka dhex jira habka iyo nidaamka ay wasaaraddu u shaqayso, waxaanu yidhi “Markii wasaaradda laba loo kala qaaday waxaanu xafiisyadii iyo shaqaalihii gobolladaba aanu ku wareejinay wasaaradda Khayraadka Biyaha, taasi waxay keentay in wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay halkan iska abaabushay oo ay ku qaadatay Sannadkii 2014-kii oo dhan in ay abaabul ku jirtay sidii ay xafiisyo uga furan lahayd gobolada.”
Siciid Axmed Jibriil waxa kale oo uu intaa ku daray “Intaa dabadeed, markii aanu xafiisyada wasaaradda ee gobolada aanu dhisnay, waxaanu bilownay in aanu waaranno u dirno. Waxaa kormeer soo sameeayay Hanti dhawrka guud ee qaranka, waxaanu nagula taliyay maadaama masuulka gobolka joogaa aanu xafiis lahayn in aanaan waaran u dirin, balse aanu halkan uga dirno wixii kharash iyo mushahar ah.”
Agaasimuhu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Sida ay xildhibaanadu sheegeen, wax musuqmaasuq ah, wax la lunsaday iyo hanti ay ummadu leedahay oo meel la mariyay midna ma jirto.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply