Dalka Shiinaha Cariish derkada ah oo ku yaalla wado muhiim laguna magacaabo wadada horumarka ayuu ninkii lahaa diiday in la dumiyo. Gurigan cagcagafyada loo diiday ayaa lagu magacaabay guriga musbaarka ah, waana eray bixin looga yaqaan China guryaha loo diido cagaftu inay burburiso. Gurigan oo aan wax dad ahi deganayn wuxu ku yaalla magaalada Nanning, ee koonfurta China, laakiin masuuliyiinta dawladda ayaa diiday inuu ninka lihi ku sameeyo wax dayactir ah.
Ninka guriga leh ayaa u ark mid taariikhi ah madaama uu magaaladii dhamayd ka sii hadhay isagu. Qaanuunka China ayaan ogolayn in guri qudha la burburiyo ilaa ay ogolaadaan qoyska leh oo la siiyo magdhow. Dad badan oo la siiyay magdhowga oo guryahood la dumiyay iyadoo laga dhisay dhismayal dabaqyo ah.
Mr. Huwang oo ka mid ah dadka degan magaalada ayaa isagu sheegay inay aad ula yaaaban yihiin sababta gurigan hawshiisa loo dhamayn waayay si magaalada quruxdeedu u dhamaystiratnto.