Laabta Fayow Ayaa Janada Lagu Mutaystaa

0
528

Rasuulka Allah (scw) iyo Asaxaabta oo meel wada Fadhiya ayuu Rasuulku CSW ku yidhi: “Qofka Albaabkaas ka soo Galaaya waa Ahlu Janno, way Arkeen Asxaabta Qofkaasi, Maalintii Labaad haddana sidii oo kale ayuu yidhi Rasuulka csw, isla Qofkii ayuu Noqday, Maalintii Saddexaadna sidii ayuu yidhi Rasuulka csw, isla Qofkii ayuu noqday. Haddaba, mid Asxaabta ka mid ah ayaa wuxuu ku Fekeray Ninkaan Jannada gelayaa, Bal soo Ogoow waxa uu Camal Sameeyo ee uu ku mutaystay Jannada. ka dib wuxuu u tagay Ninkii Jannada Gelayay, wuxuuna ku yidhi:- Aabahay ayaan isku Xanaaqanay, Walaal waxaan doonayaa inaan Gurigaaga kula soo Joogo Muddo yar, Asaxaabigiina wuu ka Aqbalay wayna is Raaceen.
Haddaba, markuu Muddo Saddex Habeen ah la Seexday, Kuma Arkin wax camal Weyn oo uu qabanyo. Marka laga reebo inuu Habeenkii Salatulaylka Tukado oo keliya.
Ka dib wuxu ku yidhi:: “Waxaana kuugu imi inaan Ogaado Acmaasha Wanaagsan ee aad Sameyso”. Asaxabigii wuxuu ku yidhi: “ Intaad Aragtay ayaan Sameeyaa, Waxaa ii Dheer oo keliya Habeenkii markaan Seexanayo Aniga oo aan Qofna Niyadda Xumaan ugu Haynin ayaan Seexdaa, Allah (sw) ayaan ka Magan Galaa inaan Qof Muslim ah Caloosha wax Xumaan ah ugu Qaado.
 

Leave a Reply