Bulsho Maydka Marti Qaada

0
569

Jasiiradda  Sulawesi ee dalka Indonesiya ayaa leh dhaqan iyo caado ah in dadkooda dhinta ay xabaalahooda ka soo saaraan saddexdii sanaba mar oo ay u xidhaan dhar  cusub isla markaana dib ugu maydhaan oo dhar cusubna u xidhaan.
Bulshadan oo masiixiiyiin ah ayaa fura qabriga maydka ka dibna la soo baxa  maydka iyago ku soo bandhiga goobaha la isugu yimaado.
Wakhtiga ay soo saaraan maydka ayay qalaan Sac ama dibi weyn, waxayna aaminsan yihiin inay marti qaad u samaynayaan maydka. Lafaha neefka ayay sudhaan guriga , waxaana ay aaminsan yihiin in mar kasta oo ay badato lafaha guriga la sudhay ay arintiisu sii weynaanayso maydka. Waxaana ay ku  magacaabaan xidhiidhka kulanka dadka dunida iyo kuwa aakhiro.

Leave a Reply