Wang Yang oo ah nin maalqabeen ah isla markaana leh wershada birta ka ganacsata oo ku taalla Changchun, waana shirkad guulaystay. Maalqabeenkan ayaa hantidiisa ku bixiyay sidii uu ugu badbaadin lahaa Eyda oo dalkaasi aad loogu cuno hilibkooda. Maalqabeenkan ayaa arinkani ku dhashay sanadkii 2012 ka dib markii uu waayay Ey uu si gaar ah u yeesho. Waxa kale oo uu tegay goobaha hiliblaha wakhtigaasi oo uu ku arkay sida arxan darada ah ee loo gawracayo eydaasi iyo sida naxariis darada ah ee loo iibiyo hilibkiisa. Maalqabeenkan ayaa hantidiisa oo dhan ku bixiyay ilaalinta Eyda iyo in laga badbaadiyo qalitaanka joogtada ah. Waxaan la sheegya Wang in aanu wakhtigan haysan hanti kayd ah.