Xaakinka: “Wuxuu Ahaa Nacas Soojeed Ku Daalay”

0
458

Wiil u dhashay Irland ayaa si uu uga maqnaado shaqada maalinkaasi sameeyay arin aad loola yaabay. Wiilkan oo lagu magacaabo Eron Niel oo 20 sano jiray una shaqaynayay shirkada Anthel ee ka hawlgasha caasimadda Dublin ayaa saaxiibkiis u sheegay inuu la hadlo shirkadda isla markaana gaadhsiiyo in bam lagu xidhay dhismaha shirkada. Sababta arintan ku keliftay ayaa ahayd isagoo daalanaa oo habeenkii la soo jeeday saaxiibadiisa, isla markaana jeclaystay in shaqada laga fasaxo oo aan la tegin maalinkaasi. Saaxiibkii ayaa kula xidhiidhay telefoon isagoo weliba sheegay inuu yahay xubin ka tirsan Daacish waxaana uu yidhi “ Dhismihiina Bam ayaa ku xidhan wuxu ku qarxayaa 12 saacadood gudahood, aniguna waxaan ahay xubin daacish ah “. Shirkadda ayaa isla markiiba booliiska la xidhiidhay.
Booliiska ayaa markiiba shirkadda soo gaadhay oo xidhay dariiqyada soo gala waxaana shaqadii laga joojiyay 4 kun oo shaqaale ah  oo subaxaasi shaqada diyaar u ahaa. Markii  booliisku waxba ka waayeen waxay soo qabteen   Eron iyo saaxiibkii oo ay baadhis heer sare ah ku garteen.
Maxakamada ayaa wiilka telefoonka diray ku xukuntay 200 oo saacadood oo uu bulshada bilaash ugu shaqeeyo, Eron laftiis ayaa la filayaa in sidaasi si la mid ah loo ciqaabo. Qaadiga ayaa cadeeyay in Eron uu ahaa doqon aan caqli fiican lahayn oo habeenimadii daalay oo si axmaqnimo ah kaga baxsanayay shaqadiis, arinkuna ma ahayn mid cadaawad ah iyo xataa mid ka maadaysi ah.

Leave a Reply