Safiir Sharaxay Deeqo Waxbarasho Oo Somaliland Ka Heshay Itoobiya Iyo Sida Loo Xulay Ardayda Loo Qaatay

0
349

Addis-ababa(Dawan):-Safiirka Somaliland u jooga dalka Itoobiya  Danjire Maxamuud  Aadan Jaamac (Galaal), ayaa waxba  kama jiraan ku tilmaamay warar warbaahinta qaar lagu faafiyay oo sheegayay in la musuq-maasuqay deeq waxbarasho oo Somaliland ka heshay dalka Itoobiya.
Waxa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay in  iskuulo gaar loo leeyahay ay  sheegaan karaan in ay yihiin iskuulo beeleed oo reero ay leeyihiin kuna cabanayaan in reero ahaan looga qadiyay deeqda waxbarasho ee Itoobiya siisay Somaliland.
Waxaanu  sidaa ku sheegay  waraysi gaar ah oo uu ku siiyay warbaahinta  Qaranka Safaaradda Somaliland ee Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
“Waxaan caddaynayaa warkaa la soo qoray in aanay waxba ka jirin,waa barkuma taal waa been,warkuna siduu ku aasaasmay ayaan idiin  sheegayaaye waxaa nalagu yidhi waxaa cabanaya Iskuulo gaar ah oo beelo ay leeyihiin,”ayuu yidhi Mr. Galaal, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Anigu ma aan ogayn in ay jiri karaan iskuulo beelo leeyihiin ama ay iskuulada waxbarashadu kala beelo yihiin, waxa la yidhi beelo ayaa cawday oo yidhi saamigayagii deeqda waxbarasho maanu helin.”
“Hadaba waxaan halkan ka caddaynayaa in deeqda waxbarasho aan lagu helayn saami qaybsi beeleed iyo mid iskuul reer leeyahay iyo mid shaqsiyaad gaar ahi leeyihiin iyo mid kale toona. Laakiin waxaa lagu helayay deeqdaa waxbarasho  annagoo aan u kala eegayn dugsi dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay.  waxaanu ku qiimaynaynay ardayga iyo dedaalkiisa iyo kaalinta uu keenay ama kaga jiro imtixaanka shahaadiga ah,waxaana la qaatay oo deeqdaa waxbarasho ka faa’iidaysanaya ardayga soo dedaalay ee dhibcaha sare dalka kaga baasay,”ayuu yidhi danjiruhu.
 
Maxamed Aadan Jaamac, waxa uu ku baaqay in aan wax kasta la gelin cudur qabyaaladeed, waxaanu yidhi  “Si ay sheekadaa xun ee dadka la galiyay meesha uga baxdana waxaanu soo saaraynaa liiska rasmiga ah ee ardayda deeqda Waxbarasho ee Somaliland ka heshay Itoobiya ku guulaystay,kuwaasoo  ku soo baxay dedaalkooda cidna aan marti uga ahayn oo soo shaqaystay,waxaana idiin sheegayaa wax aanu beelnimo ku qeybinay iyo reer gaar wax loo siiyay iyo cid gaar loogu diiday midna ma jirto ee yaan meel walba cudurka qabyaaladu innaga gaadhin. Mana jirto masuuliyiin soo faro geliyay iyo beelo ay ka soo jeedaan oo ay wax gaar ah siiyeen ama siin karaan,si cadaalad ah oo sharci ah ayaa loo qaybiyay ardaydii kaalmaha ugu sarreeya dalka kaga baasay ayaana helay deeqda waxbarasho.”
Safiirka oo la hadlayay warbaahinta Somaliland,ayaa ku guubaabiyay in ay bulshadda u gudbiyaan warar ummadda wax u tara oo ay ka fogaadaan wax kasta oo dadka kala qaybinaya. “Warbaahinta Somaliland waa xor oo xorriyadda ay haystaan caalamka meelo badan ayaanay ka jirin markaa waxaan ku burin lahaa in ay ummadda wararka ay qorayaan ka eegaan xaqiiqadiisa iyo in ay bulshadda u gudbiyaan wax  faa’iido iyo waxtar u leh oo ummadda horumarkeeda ku saabsan isla markaana ay ka fogaadaan in ay bulshada qabyaalad iyo xumaan kala dhex dhigaan.”ayuu yidhi Danjire Maxamuud  Aadan Jaamac (Galaal).
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply