Wasiirka Ganacsiga Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Shirkadda Duulimaadyadda Ee BACHA Travel Ka furatay Hargaysa

0
365

Hargaysa (Dawan): Wasiirka   wasaaradda  ganacsiga   iyo  maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa  shalay xadhiga ka jaray xarun cusub oo ay magaaladda  Hargeysa ka furatay  shirkadda  duulimaadyadda diyaaradaha ee BACHA Travel Agency oo fadhigeedu yahay dalka Jabuuti.
 
Xaflad loo sameeyay  furitaanka  xaruntan cusub ee ay shirkadda BACHA Travel ka furatay Hargeysa, oo lagu qabtay isla  caasimadda Hargeysa,   waxaa  ka soo qaybgalay     guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna, mushaharaxa madaxweynaha, wasiirka ganacsiga iyo   Dr. Maxamed  Faarax Ducaale,   wasiiru-dawlaha  wasaaradda maaliyadda, wasiiru-dawlaha wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Camuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, wasiir ku xigeenka wasaaradda duulista iyo hawadda,  guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE Canab Cumar Ileeye, salaadiin, dhalinyarro, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.
 
 
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim,  oo hadal ka jeediyay xafladaasi  ayaa ka waramay kaalinta ay  dhaqaalaha dalka kaga jiraan shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay  iyo  doorka ay ka qaataan shaqo abuurka dhalinyaradda, iyo sida   loogu baahan yahay in  la dhiiri geliyo.
 
Dr. Muuse Qaasim,  waxa uu  sheegay  in  ay ka wasaarad ahaan soo dhaweynayaan isla markaana wixii ay uga baahdaan uga caawinayaan  shirkadan BACHA Travel  Agency  iyo shirkadaha kale ee soo kordhaba, si ay uga qayb qaataan shaqo abuurka dhalinyaradda.
 
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dalkeenna  dhaqaalihiisa haddii  aad u fiirsato 90%  waxaa  gacanta ku haya ganacsatadda. Markaa 90% dadka la rabo in ay shaqo siiyaan dhalinyaradda waa  ganacsatadda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dawladu dhaqaalaha ay gacanta ku haysaa kama badna 70%. Markaa  taasi waxay muujinaysaa  in aanay dawladu shaqooyin badan  haynin.
Dhalinyaradeenu si aanay u tahriibin waa in aynu  dhiiri gelinaa  ganacsiga. Ganacsiyadda aynu dhiiri gelinayno  waxaa ugu horeeya ganacsiyadda  ay da’ayartu waddo,  ee inta badan maskaxaha la tuujiyay ka socota.  Waayo ganacsiyadda qaarna waa kuwo malaayiin dollar u baahan, qaarna waa kuwo maskaxo la tuujiyay  ka yimid, sida  shirkadan duulimaadyadda  ee BACHA oo kale”.
 
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray  in  ay ka xukuumad ahaan  taageerayaan shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale ganacsatadda yar yare e soo koraya.
 
“Anigu aad ayaan u jeclahay, una dhiiri geliyaa,  dhalinyaradda ganacsiyadda abuuraysa, meherad kasta oo ay furayaana  waan tagaa. Waxa  keliya ee aan u qaban karaanna waa in aan dhiiri geliyo. Runtii waxaa loo baahan yahay  in waxyaabo badan loo fududeeyo, oo laga dhaafo dhalinyaradda ganacsiyadda cusub abuuraysa,  inta ay hanno-qaadayaan.
 
Gabadha hawshan hirgelisayna  aad ayaan ugu mahad naqayaa, waanan soo dhawaynayaa, wixii aanu kula qaban karnana waanu kula qabanaynaa. Waa Innantii u horaysay  ee shirkad duulimaadyo ah samaysay,    waa in aanu ku dhiiri gelino, wixii lagula qaban karana lagula qabto”ayuu yidhi wasiirku.
 
Sidoo Hibo Baashe  Xasan, oo ah mulkiilaha shirkadda BACHA Travel Afency, oo iyadna halkaasi hadal ka jeedisay ayaa warantay  waxyaabaha ku dhaliyay in ay xaruntan cusub ka furto  Somaliland. Waxaanay sheegtay  in shirkadda BACHA xarunteedda koowaad ay ku taallo dalka Jabuuti, tan ay  Hargaysa ka furtayna ay noqonayso tii  labaad.
 
Iyadoo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Xafiiskan cusub ee shirkadda   BACHA Travel  waa xafiiskii   labaad ee Hargaysa iyo Jabuuti isku xidhayay,  kii u horeeyay waxaan ka furay dalka Jabuuti.  Waxaa igu dhiiri geliyay in aan Hargaysa ka furro xaruntan  cusub horumarka balaadhan ee ka socda, ee ay gaadhay.
Wadankan Somaliland anigu umaan iman in aan ka shaqaysto, balse waxaan u imid in aan u shaqeeyo, dalkayga horumarkiisana ka qayb qaato”.
 
Hibo Baashe Xasan, waxa kale  oo ay faahfaahin ka bixisay shirkadda BACHA Travel Agency iyo adeegyadda ay bixiso. “Haddii aan wax yar sharaxaad idinka siiyo shirkadan BACHA Travel iyo sida ay u shaqayso, waxaanu  samaynaa  oo aanu iibinaa Tigidhada. Waxa kale oo aanu leenahay qaybta  adeegga dalxiiska,  iyo bixinta Fiiseyaasha ama dal ku galka, iyo wixii looga baahan yahay dalxiiska iyo dal ku galka.
Waan idiinka mahad naqayaa wakhtigiina qaaliga ah ee aad halkan  iigu timaadeen,  aad iyo aad ayaanad ugu mahadsan tihiin in aad ii timaadeen, oo aad ii  garab joogteen, oo aad I dhiiri geliseen.  Waanan ku faraxsanahay in  aad munaasibadan furitaanka nagala soo qayb gashaan” ayay tidhi Hibo Baashe.
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharaxa  madaxweynaha  Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in wasaaradda ganacsiga loo baahan yahay in ay dhiiri gelin iyo taageerro u samayso  shirkadaha iyo ganacsiyadda  cusub eek u  soo kordha  dalka.
 
 
Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu   hambalyaynayaa, una soo dhawaynayaa shirkadan cusub ee BACHA Travel Agency,  waanan ku faraxsanahay in ay xafiis ka furato Hargaysa, waanan u ducaynaynaa.  Waana horumar dalka u soo kordhay. Waxaanan ka codsanayaa  wasiirka wasaaradda ganacsiga oo ay toos u hoos timaado in uu dhiiri gelin  badan u sameeyo  shirkadan   soo kordhay iyo ganacsiyadda kale ee soo kordhaba.     Aad iyo aad ayaanan mar labaad ugu hambalyaynayaa Hibo Baashe shirkadan  ay  furtay”.
 
 
Shirkadaa duulimaadyadda ee BACHA  Travel Agency oo xaruntoodu tahay magaaladda Jabuuti, ayaa dhawan waxay Hargeysa ka bilaabi doonta aduulimaadyadda Dubia ilaa Hargeysa, Jabuuti iyo Hargeysa. Intii ay munaasibadaasi socotay ayaa  waxa dadkii madasha fadhiyay loo dhigay bakhtiyaa nasiib hal tigidh oo bilaash  ah.   Waxaana  ku guulaystay wiil dhalinyarro ahaa  oo  ka mid ahaa dadkii xafladda ka soo qaybgalay,  iyadoo isla goobta  lagu gudoonsiiyay tigidhkaasi.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply