US oo soo dhaweysay go'aanka Britain ee Suuriya

0
335

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama waxa uu soo dhaweeyay codeynta baarlamaanka Britain ee ah inay ku biiraan isbeheysiga duqeymaha la eeganaya kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Suuriya.

Aqalka cad ee Mareykanka wax kasoo baxay ayaa lagu sheegay in si buuxda ay u mahdinayaan go’aanka Britain.
Madaxweyne Obama waxa uu shaaca ka qaaday in xiriir wanaagsan uu labada dal ka dhexeeyo, wuxuuna timaamay in UK ay ka mid tahay dalalka sida qiimaha leh kala shaqeeya Mareykanka “dagaalka argagixisada” sida kooxda Daacish.
Wuxuuna tilmaamay in Mareykanka uu sidegdeg ah Britain kagala shaqeyndoono sidii ay u bilaabi lahaayeen duqeymaha Suuriya laga fulinaayo.
Laakiin gudaha magaalada Washington, waxaa ka jiro shaki ku saabsan istiraatiijiyaddan cusub ee madaxweynaha.
Xubin ka tirsan xibiga Jamhuuriga oo sanatar ah, John McCain waxa uu baraarujinaayaa in ciidamo dhulka ah la diro si looga adkaado kooxdan IS.
Wuxuuna sheegay in taasi ay tahay midda muujineysa in Britain laga taageeraayo dagaalka.
Hase yeeshee, wuxuu ku doodaayaa in duqeymaha caalamka uu ka qeybgalaayo aysan miro dhal fiican noqon doonin.
Sikastaba, xukuumadda Washington waxaa muhiim u ah inay muujiso in isbeheysiga uu sii xoojinaayo ololohooda ka dhanka ah kooxda loogu yeero dowladda Islaamka.
Wixii ka dambeeyay weeraradii Paris, saaxiibada reer galbeedka waxaa laga codsanaayay inay sare u qaadaan gacanta ay howlgalka ka geysanayaan.

Leave a Reply