Muhindis Hargeyska Ku Soo Bandhigay Mishiin Ku shaqaynaya Tamarta Imiroolka

0
412

Hargeysa (Dawanl)- Muwaadin reer Somaliland ah kuna nool magaaladda Hargeysa ayaa soo bandhigay mishiinkii ugu horreeyay ee haba yaraatee aan ku shaqaynayn wax shidaal ah, waxaanu muhindisku  ikhtiraacay Generator ku shaqaynaya tamarta macadanaha dalkeenu hodanka ku yahay.
Muhindis Siciid Saleebaan Geelle ayaa sheegay in Mishiinka uu soo bandhigay uu ku shaqaynayo hab cusub oo ka duwan hababka hadda aynu isticmaalmo, kaas oo ku shaqaynaya tamarta macdanta loo yaqaano Imiroolka oo ka mid ah kheyraadka Somaliland.
Siciid Saleebaan Geelle, ayaanu ka waraysanay qaabka iyo waxyaabaha uu ku shaqaynayo mishiinkan uu soo bandhigay, iyo waxyaabaha sababay in uu ikhtiraaco fikirkan cusub, ugu horrayn isaga oo arrimhaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Fikirkani waxa uu igu dhashay markii ugu horraysay sannadkii 2001-dii, waxaa dhacday aniga oo maalin hawl-culus haya, ayaa waxaa naga go’ay laydhkii aanu ku shaqaynaynay, inankii mishiinka shidayay ayaan waydiiyay waxa dhacay, waxaanu ii sheegay in shidaalkii ka dhamaaday mishiinka, maalintaas ayaan ka fekeray in la heli karo bal wax ka duwan, kana jaban shidaalk, sidaas ayuu ku yimi fekerkani kuna hirgalay.”
Aqoonyahankan Ikhtiraacay farsamadan cusub  Siciid Saleebaan Geelle waxa kale oo uu intaa ku daray “Ilaa iyo wakhtigaa uu fikirkani igu dhashay iyo ilaa maanta waan waday hirgelinta fikirkan, waxaanay ila soo martay marxalado kala duwan, mishiinkan hadda aan tijaabiyay waa mishiinkii shanaad, waxaan hore u soo tijaabinay afar mishiin oo kale, hadda waa kii shanaad kani, waxaana u dhiman dhamaystirkiisa wax ka yar boqolkiiba toban.”
Siciid Salleebaan waxa kale oo uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay waxa uu ku shaqaynayo mishiinkan iyo habka uu u shaqaynayo, waxaanu yidhi “Mishiinkani waxa uu ku shaqaynayaa Tamarta macdanta loo yaqaano Imirooka, macdantaas oo uu dhulkeenu hodan ku yahay, gaar ahaan waxa uu aad ugu badan yahay dhulka gubunka ah”
Muhindisku waxa uu sheegay in  Macdanta Imiroolka ay ku jirto Tamar badan oo ay ummada reer Somaliland u isticmaali karaan adeegsiga laydhka, waxaanu yidhi “Isticmaalka Tamarta macdantan marka loo isticmaalo nidaamkan cusub ee aan ikhtiraacay waxay reer Somaliland oo dhami ay  ka heli karaan laydh ku filan haddii lagu isticmaalo mishiinada waawayn, sababta oo ah mishiinkan yar ee aan ku tijaabiyay iyo mishiinka wayni waa isku xubmo, markaa haddii uu tijaabadan ku hir galo mishiinka yar, mishiinka wayna wuu ku hirgelayaa, shaqadiina hadda waxaa naga dhiman boqolkiiba toban kaliya, intaana waxaan jecelahay in aanu hirgelino todobaadkan soo socda.”
Aqoonyahanka ikhtiraacay mishiinkan ayaa dawladda iyo cid kasta oo ka caawin karta hirgelinta hamigiisan ka codsaday in lagu garab istaago “waxaan ka codsanayaa in la igu garab istaago, aniga oon dhaqaale iyo lacag midna kaga rabin, oo inta iga dhimana aan doonayo inaan dhakhso u dhmaystiro, balse waxaan ka rabaa in dhiirigelin hiil iyo hooba leh la ila garab istaago” ayuu yidhi.
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply