“Dhawaaqa Qarramada Midoobay Wuxuu Guul U Yahay Suuq Geynta Xoolaheena”Dr Axmed Xaashi Oday

0
305

Goddoomiyaha ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday ahna digtoor xoolaha ah oo Barnaamijka Xoolah ee Wargeyska Dawan wax ka waydiiyay dhawaaqa Qaramada Midoobay kaga digeen cunista Hilibka la warshadeeyay ee qasacadaysan  oo Qaramada Midoobay sheegtay in laga qaadayo cudurka Kansarka iyo Hilibka Lo,da iyo Idaha oo isna ay ka digeen cunistiisa oo la sheegay in laga qaadi karo Cudurka Kansarka eek u dhaca caloosha.
Hadaba Dr Axmed Xaashi Oday oo  ka hadlaya Xanuunada laga qaado hilibka xoolaha ee la soo warshadeeyo ee qasacadaysan iyo hilibka Lo,da iyo Idaha cudurada laga qaadayo iyo in ay xidhiidh la leeyihiin Xooleheena,ayaa yidhi. “Horta hilibka wershadaysan ee la qasacadeeyay ee Yurub iyo Maraykanka lagu cuno ee cudurada laga qaaday amma laga digayaa waa cunto wershad soo martay oo la qasacadeeyay oo muddo bandanna taalay isla markaana kimikal lagu daray taasoo  sabab u ah in cuduro laga qaado kimikalada lagu daray. Waxaa kale oo qayb ka ah in cuduro laga qaado hilibka wershadaysan ee la qasaacadeeyay waxaa keenaya waxyaabaha ay cunayaan xoolaha hilibkooda la farsamaeeyay ee la qalay  kuwaasoo la siiyo marka horeba raashin aan daray ahayn ee ah waxyaabo la bacrimiyay oo qasan lagu beeray iyo cuntooyin la isku dar daray oo taasina waxay keenaysaa in cuduro laga qaado hilibka la warshadeeyay ee xoolaha. Dhinaca kale Hilibka Lo,da iyo Hilibka Idaha ee Yurub iyo Maraykanku marka hore maaha xoolo  six or ah u daaqa oo u cuna dhir hawo nadiif ah ku baxday iyaguna waxay cunaan cuntooyin la farsameeyay markaa waxaa hilibkooda ku jirta bakhteeriyo tiro badan oo hilibkooda laga qaadi karo.laakiin wax xidhiidh ah lama  wadaagaan xooleheedu waxaanay kaga duwan yihiin marka horeba xooleheenu waxay cunaan oo ay ku nool yihiin daaq iyo calaf xoolaad oo ay u foofaan oo nafiid ah isla markaana kala duduwan oo dhul badan ka baxa oo geed gab iyo id sareba isugu jira.”
Waxaa kale oo uu Dr Oday intaa ku daray in ay faa,iido ganacsi oo wanaagsani ugu jirto xooleheena loona baahan yahay in suuq Xoolaha nool loo doono.
“Dhawaaqa Qaramada Midoobay waxaa uu guul u yahay xooleheena oo ah xoolo cad iyo caanoba fireesh ah oo aan wax doorsoon ah lagu samayn isla markaana calaf xoolaad ay u daaq tagaan cuna oo aan quudan cunto loo warshadeeyay markaa waxaa halkaa inoogu jirta fursad wanaagsan oo u baahan in aynu ka faa,iidaysano. Hilibka xooleheenuna waa ka ugu dhadhan iyo caafimaadba wanaagsan marka laga hadlayo hilibka xoolaha caalamka oo dhanna ma jiro waddan inagula tartami kara hilib xoolaad caafimaad qaba oo daray ah.”
Dr Axmed Xaashi Oday oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee xooleheena ku dhaca iyo noocyada ay u kala baxaan iyo siyaabaha looga daweeyo la soco todobaadka dambe Insha Allaah.
La Soco Cadadka  Isniinta Dambe  Insha Allah

Leave a Reply