Obama: Dagaal uma dhexeeyo US iyo Islaamka

0
328

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in 14kii qof ee toogashada lagu dilay gobolka California todobaadkii hore uu ahaa fal argagixisonimo, laakinse wuxuu sheegay in aysan jirin caddayn muujinaysa in dadkii wax dilay ay hagayeen ururro dibadda jooga.

Waa uu sii watay hadalkiisa isagoo sheegay in mintidiinta dawladda Islaamiga, oo la sheegay in taageerayaashoodu ay weerarka qaadeen, la burburin doono.
Mr. Obama wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dagaalkan aan loo arkin dagaal u dhaxeeya Mareykanka iyo Islaamka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Mareykanka ay tahay inuusan ku lug yeelan mashaakilaad hor leh oo ciidammadiisa ay uga dagaallamayaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Leave a Reply