Maydadka Loo Dalxiis Tago!

0
363

Kiniisida Qadiimka ah ee ay leeyihiin kooxda kiristaanka ah ee Kaben kuna taalla magaalada Palermo ayuu dabaqeeda hoose uu ku yaalla qol maydka lagu soo bandhigo.
Qolkaasi ayaa lagu ururiyaa maydka oo lafo noqday ka dibna lagu tiiriyaa gidaarka kiniisadda iyadoo loo qaato inay yihiin dad nool marka loo xidho dhar.. Dalxiisayaal kala duwan ayaa dunida daafaheeda uga yimaada sidii ay u daawan lahaayeen kiniisadda maydka lagu soo bandhigo.
Qolfoofkan maydka aya ah wadaado kiristaan ah, dad Madax ah iyo dad badan oo kala duwan.  Bandhigan Maydka  ayaa bilaabantay qarnigii 16aad ka dib markii wadaado ka tirsan madahabtani ay kiniisadan isugu geeyeen dadkii dhintay. Maydkii ugu horeeyay oo ahaa wadaad kiristaan ayaa la dhigay 1599, iyadoo maydkii ugu danbeeyayna la dhigay 1920 taasi oo ahayd gabadh yar oo laba sano jirtay  oo la odhan Rosalia Lombardo taasi oo u dhimatay xanuun sanbabada ah.
Qalfoofka maydka ayaa loogu maydhaa biyo khal ah isla markaana waxa loo xidhaa maydka wadaada kiristaanka ahaa dharkii ay xidhan jireen , ragga iyo dumarka ayaa iyana loo xidhaa mid kasta dharka lagu yaqaano.    (Source: Capuchin catacombs of Palermo in Sicily. Wikipedia.

Leave a Reply