Danjire Baashe Cawil Oo Sharaxay Mashaariic Waaweyn Oo Imaaraadku Ka Fulinayo Somaliland

0
286

“Ha La Iska Daayo In La Siyaasadeeyo Mashaariicda Horumarka Ee Shacabka  Wax Loogu Qabanayo”  
 
Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Md.  Baashe Cawil Xaaji Cumar,  ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku Somaliland  ka fulin doonto  mashaariic horumarineed oo shaqo abuur loogu samaynayo ummada Somaliland. Waxaanu ku baaqay inaan la siyaasadeyn mashaariicda horumarka.
Danjire Baashe Cawil oo shalay ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyay ujeedada socdaalka uu dalka ku yimi waxaana uu yidhi  “Ujeedada socdaalkayagu waxa ay tahay  laba arrimood. Ta koowaad waxay wasaaradda arrimaha dibaddu iskugu yeedhay danjireyaasha Somaliland u fadhiya adduunka oo ay shir Sabtida fooda innagu soo haysa ugu qabanayso Hargeysa. Waxaanu Wasiirka cusubi soo bandhigi doonaa barnaamijkii shaqadda ee wasaaradda u yaallay sannadkan.
 
Arrinta labaad ee socdaalkaygu waxa weeye wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka oo  dhawaan dalka iman doona weftigaas oo u imanay inay dabo-galaan Mashaariicdii  dalka Imaaraadku ka waday Somaliand,Haddii ay  noqoto mashruucii biyaha ee xunbo-wayne iyo haddii ay noqoto mashruucii dhaamka ahaa ee dhawaan la soo daayay.”
 
Danjire Baashe Cawil oo ka hadlayay mashaariic waaweyn oo dawladda imaaraadku Somaliland ka fulin doonto waxa uu yidhi “Waxa kale oo mashaariicdaa la socda laba mashruuc oo dawladda Imaaraadku ugu deeqday Somalialnd. Labadan mashruuc midi waxa uu la xidhiidhaa mashruuc afarta magaalo ee Boorame, Hargeysa,  Berbera iyo Burco laga fulinayo  oo ah meelo Xarumo   qaabilsan inay fidiyaan kaalmada aasaasiga ah ee dadku u baahan yihiin.
Haddii ay noqoto xaga caafimaadka,  waxbarshadda iyo haddii ay noqoto  xaga masaajidada oo dawladda Imaaraadku ugu deeqayso dalka uguna soo dhiibtay Ha’yadda Khaliifa Foundation.  mashruuc labaad ayaa isaguna ah mid dawlada Imaraadku ugu tallo gashay in shaqo abuur ka samayso Somaliland. Kaas oo ah in warshad weyn  oo ay ka samaynayso  magaaladda Berbera oo hilibka lagu qalo oo hilibka ay qasho ay dawladda Imaaraadku iibsan doonto. Wershadaasina waxa ay noqon doontaa warshad ay leedahay dawladda Somaliland oo dawladda Imaaraadku innoogu deeqday.”
Safiirku waxa ku dooday in wax wada qabsiga Somaliland iyo Imaaraadku marayo halkii ugu wanaagsanayd. “Xidhiidhka iyo wada shaqayanta ka dhaxays aSomaliland iyo Imaaraadku waxa uu marayaa halkii ugu fiicnayd,  waxa marar badan  aynu maqalnaa oo warbaahinta ku aragnaa dad aan xog ogaal ahayn oo si khaldan waxa u sheegaya oo uu mashcariicdaa iyo horumarkaa  dadka waxa kale ugu sheegaya. Waxaan arrintaas u arkaa nasiib darro in mashaariic horumarineed oo  dalka laga fulinayo  oo dawlado innagu caawinayaan la aflagaadeeyo ama la carqaladeeyo wixii horumar ah ee  dawladdu soo kordhiso.  dawladdu shacabkeeda uma eegto gobolaysi  iyo deegaan u codeeyay iyo mid ka codeeyay,  dadka oo dhan waxa ay u gudbisaa mashaariicda hadba sida baahidu u kala badan yihiin,”ayuu yidhi danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadku.
Mr. Baashe Cawil waxa uu ku baaqay in laga waantoobo in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarka. “Xukuumadduna dawladaha in cawinaya ayay u gudbisaa baahiyaha dadka wixii  aynu gudbinay marka ay yimaadaan shacabka ayay tahay inay ilaashadaan oo soo dhaweeyaan.
Haddii se lagu qeyliyo mashariicda la innoo keenayo cida dhibaatadu soo gaadhaysaa waa shacabka,  waxa aad  moodaa in  dad ujeedo qaloocan lihi in dadka si qaloocan wax ugu dhigaan.
Waxaan  leeyahay arrinkaa ha laga wantoobo oo ha la iska daayo in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarka ee shacabka  wax loogu qabanayo.  haddii ay jirto wax khaldan oo xukuumaddu samayso oo la xidhiidha mashaariicda la wado  Qofku wuu soo bandhigi karaa. Waxa khaldan, laakiin waxa reeban in telefishanka qof inta uu isa soo taago waxa uu doono iskaga hadlo,”ayuu yidhi Danjiruhu.
 

Leave a Reply