Kulan Lagu Dhiiri-gelinayay Waxbarashadda Haweenka Oo Lagu Qabtay Laascaanood

0
327

Laascaanood  (Dawan): Hoolka  Shirarka  dawladda hoose ee Laascaanood ayaa  shalay  lugu qabtay kulan ay ka soo qayb-qaateen waxgarad, haween iyo qaar ka mid ah masuu’liinta maamulka gobolka Sool oo lagaga hadlayay waxbarashada  gabdhaha.Kulankaas  oo ay maal-gelinaysay hay’ada CARE ayaa waxaa lagu baraarujinayay waalidiinta inay aad muhiim ugu tahay bulshada in wax la baro dhallinyarada soo kacaysa, gaar ahaana gabdhaha oo mustaqbalka dambe noqon doona hooyooyin soo saara jiilal wax-ku-ool ah.Sidoo kale, waxaa si is-daba-joog ah lagu cel-celiyay in aan marnaba laga maarmeynin  inay ku dedaalaan waaliddiintu waxbarashada gabadhaha, iyadoo la xusay in diinta Islaamkuna ay si cadaalad leh uga hadashay inay xil ka saaran yahay waalidiinta inay ubadkooda wax-baraan. Dhanka kale, waxaa shalay xarunta dalladda Hanaqaad ee degmada Laascaanood lagu soo gaba-gabeeyay kulan lagaga hadlayay xoojinta waxbarashada hablaha oo ay ka soo qayb-qaateen in ka badan konton qof. Waxaana kulanka soo qaban-qaabisay dalladda Hanaqaad oo si wayn ugu adeegta waxbarashada hablaha gobolka Sool.
 
 

Leave a Reply