Marwadda Koowaad Oo Booqatay Goobaha Caafimaadka Burco, Deeqna Ku Wareejisay Cisbitaalka Guud

0
316

Burco (Dawan)- Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed  Jirde (Aamina Weris) iyo wefti  ay hogaaminayso ayaa shalay kormeer hawleed ku soo martay goobaha caafimaadka ee magaalada Burco,  waxaanay deeq guddoonsiiyay cisbitaalka guud ee magaaladda.
 
Weftiga Marwada koowaad Marwo  Aamina Weris oo ay xubno ka yihiin Wasiirka wasaaradda Cafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, Wasiir kuxigeenka warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil iyo saraakiil kale, ayaa shalay gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
 
Marwo Aamina Weris waxa ay booqatay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, Xanaanooyinka lagu daryeelo Hooyada iyo dhallaanka, Machadka Caafimaadka Burco, iyo guud ahaan ba goobaha caafimaad ee gobolka, waxaanay kormeerkooda warbixinno dhinaca caafimaadka ah kaga dhagaysteen Isuduwaha Caafimadka Gobolka Dr. Cabdi Yaasin, Dhakhaatiirta Cisbitaalka Burco, iyo hawl-wadeenada caafimaad ee goobahaasi ka hawl gala.
Aamina Weris waxa ay mid mid isu dul taagtay dadka Bukaan jiifka ah ee ku jiray Waadhadhka Cisbitaalka iyo Xanaanooyinka ay Booqatay iyadoo Hooyooyinkii ku jiray Waadhadhkaas kala sheekaysatay Xaaladooda Caafimaad sidoo kalena u ducaysay hooyooyin iyo carruur bukaan ah oo ku jiray goobahaasi.
Marwada qaranka Somaliland, intaas kadib waxay deeq isugu jirtay  Dawooyin iyo Agab caafimaad oo kale ay ku wareejisay cisbitaalka guud ee Magaalada Burco, waxaaanay guddoonsiiyay agaasimaha Cisbitaalka iyo masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer.
Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Maanta waxaanu halkan u nimi, in aanu eegno oo aanu u kuur-galno, xaaladda hooyooyinka iyo dhalaanka iyo bulshadda reer Burco wixii aanu ka gaadhi karno. Waxa kale oo aanu sidnaa Xoogaa deeq ah oo isugu jira qalab iyo dawooyin,”
 
Marwada koowaad oo hadalkeeda sii wadatay waxay intaas ku ladhay  “Waxa kale oo ku jira qaar ah xafiiskayga aan wakiilka ka ahay ee CARMA oo aan u wado caruurta dhiciska ku dhalata oo aad arkayseen maqsinkii yaraa ee ay jiifeen, qalabkan aanu u wadnana waxaa ka mid ah qalabkii neefta lagaga soo saarayay.”
 

Leave a Reply