Gambiya: Madaxweynaha Dalkaas Oo Ku Dhawaaqay Xukumad Islaami Ah

0
293

Madaxwaynaha dalka Gambiya ee ku yaal galbeedka Afrika Yaxya Jammeh ayaa sheegay in dalkiisa hada wixii ka dambeeya uu noqon doono dawlad Islaami ah. Madaxwayne Yaxya ayaa waxa uu sidan ka sheegay banaanbax Jimcihii ka dhacay deegaanka loo yaqaan Brufut oo ku yaal duleedka magaalada caasimada ah Banjul.
Xukumada dalka Gambiya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Yaxye ayaa dhamaadkii sanadkii hore ka badbaaday Inqilaab kadib markii ay kooxo mucaarid ah oo qaarkood ku sugan Maraykanka ay isku dayeen inay la wareegaan xarunta Madaxtooyada. Hogaamiyaha Gambiya ayaa sheegay in tilaabadan cusub ay tahay mid ay uga fogaanayaan ama ku tirtirayaan taariikhdii gumeystaha dalkooda kasoo talin jiray. Dalka Gambiya ayaa sanadkii 1965 xoriyada ka qaatay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegaa in 90% shacabka dalkaasi ay yihiin Muslimiin. Yaxye Jammeh ayaa sheegay in dadka kale aan muslimiinta ahayn xaquuqdooda la dhowri doono, balse ay tahay in dowlada wadanka ay ka tarjunto inta badan shacabka dalkaasi iyo diinta ay heystaan.
 

Leave a Reply