Shirkii Cimilada Adduunka Oo Laysla Gaadhay Qodobo Lagu Xadeynayo Kulka Cimilada Dunida

0
287

Shirkii caalamiga ah ee is-baddelka Cimilada Dunida ayaa lagu gaadhay heshiis ah in la dhimo qiiqa hawada lagu sii daayo, kaas oo keenay in cimiladu sii kululaato. Shirkan oo magaalada Paris ka dhacay waxa ka qayb-galay ergooyin ka socday ku dhawaad 200 oo dal. Madaxda shirka ka qaybgalaysa ayaa muddo laba todobaad ah ka doodayay in ay isla meel dhigaan sidii dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba ay iska kaashadaan xakamaynta qiiqa warshadaha iyo gaadiidku ay hawada kusii daayaan. Qodobada lagu heshiiyay waxa ka mid ah in laga shaqeeyo sidii diiranaanta sii kordhaysa ee caalamka celcelis ahaan loogu hayn lahaa in ka hoosaysa laba darajo cabirka kulaylka lagu cabiro, isla markaana lasii waddo dadaallada lagu hiigsanayo in heer kulka la xadeeyo iyo in la garawsado ahmiyadda dhismista halista iyo saamaynta isbedelka cimiladu ay u leeyihiin dunida iyo aadanaha iyo noolaha dul jooga.
 
Xog-hayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa ku dhiiriyay waddamada Xubnaha ka ah qaramada midoobay ee kulankaas ku suggan inay ansixiyaan heshiiskan qabya qoraalka ah si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah. Madaxwaynaha Faransiiska, Francois Hollande oo uu dalkiisu marti-gelinayay kulankan ayaa u sheegay ergada in wax ka qabashada cimilada caalamka ay tahay go’aan gacantooda ku jira. Sidoo kale, madaxwaynaha Marayknaka Barack Obama oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ku sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskan oo uu ku tillmaamay mid aad u weyn. Heshiiskan ayaa wuxuu dhigaya in $100 bilyan oo doollar lagu maal-geliyo dalalka soo koraya, si ay uga qayb qaataan wax ka qabashada is-bedelka cilimada Dunida.

Leave a Reply