Tansaniya:Ilaa In Ka Badan 87 Qof Oo Ku Dhinta Rabshado Ka Socda Magaalada Bujunbura

0
315

Tirada dadkii ku dhintay rabshadihii ka socday caasimada dalka Burundi ee Bujumbura lasoo dhaafay ayaa waxay kor u dhaafeen 87-qof, kuwaas oo u badan shacab maydadkooda lagu arkay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Bujumbura. Siddeed ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay ahaayeen saraakiil ciidamada dawladda ka tirsan, halka 49-qof oo kalena la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo laga qab-qabtay xaafadaha magaaladaas, sida uu sheegay, Col. Gaspard Baratuza oo ka tirsan millateriga dalka Burundi.
Dadka ku nool caasimadda Burundi ayaa sheegay Jimcihii la soo dhaafay in maydadka 34-ruux oo shacab ah laga helay waddooyinka caasimada dalkaas.
 
Magaalada Bujumbura ayaa waxaa wali ka socda rabshado, iyadoo laga maqlayo rasaasta noocyadeeda kala duwan, waxayna rabshadahani billaabmeen markii ay kooxo hubaysni weerareen saddex saldhig oo ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin duleedka caasimadda laba maalmood ka hor. Bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa waxay ka billawdeen caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura bishii Abriil ee sannadkan, xiligaas madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu xilka u taramayo mar saddexaad.
 
Nkurunziza ayaa waxaa xilka madaxnimo ee dalkiisa mar kale loo doortay bishii July ee sannadkan, inkastoo kooxaha mucaaradka ah ay weli kasoo horjeedaan in Pierre Nkurunziza mar saddexaad uu dalkaas xukumo, iyagoo ku tilmaamay in taasi ay tahay mid lagu carqaladaynayo dastuurka dalka Burundi.
Sidoo kale, Col. Gaspard Baratuza oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay wixii khasaare ahaa ee ka dhashay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta dalka Burundi ayaa sheegay in dadka la dilay ay intooda badan ahaayeen kooxo cadow ah.
Illaa hadda dhinacyada mucaaradka Burundi kamay hadal  khasaarihii ka dhashay rabshadihii Bujumbura ka dhacay, balse rabshadahaas ayaa sii xoojinaya qulqulatooyinkii ka taagnaa dalkaas tan iyo horraantii 2015-ka.

Leave a Reply