Wax Ka Baro Oofwareenka (Pneumonia)

0
1011

Waa caabuq (inflammation) ku dhaca Sanbabada oo badanaa ay keento Bacteeriyo layiraahdo Streptococcus Pneumoniae ama Staphylococcus Pneumoniae . waxaa kaloo jira noocya kale oo ay keenaan Chlamydia Pneumoniae , Mycoplasmal Pneumoniae .
Si’ gaar ah waxaa khatar ugu jira inuu ku dhoco : dadka Sigaarka cabba , dadka difaacoodu heeseeyo , Carruurta da’doodu ka yartahay 3 sano , iyo dadka aadka u waaweyn .
Badanaa waxaa la’arka xilliyada qabowga ah .
Sidee la’iskugu gudbiyaa ?
waxaa la’iskaga gudbiyaa Afka iyo Sanka oo uu qof cudurkaan qaba mid aan qabin uga gudbiyo .
Astaamaha lagu garto :

  1. Qufac (Coughing).
  2. Neefta oo yaraata (Shortness of breathing) .
  3. Laab xanuun (Chest pain) .
  4. Xaako (Phlegm) mararka qaarkood dhiig wadata .
  5. Xummad (Fever) .

Astaamahaan kore kasokow , waa in qofka Candhuuf laga qaadaa
muddo 24-48 saacadood gudohood ah baa la’ogaan karaa in Bukaanku Bacteriyada dhalisa cudurkaan qabo iyo in kale . ama in Dhiig laga qaado oo markaas lagu arko Unugyada Dhiiga Cad-cad(WBC) oo kor ukaca . Waxaa kaloo lasaaraa Raajo (X-ray) ama Chest CT Scan .
Maxaa lagu daaweeyaa ?
Daawooyin badan oo Antibiotic ah waa loo qaataa Cudurkaan , sida :
1.Penicillin G , Vancomycin , Amoxicillin , Amikacin , .. ( oo loo qaato oof-wareenka Bacteriyadu keento )
2.Erythromycin , Roxithromycin , Azithromycin ( qeybta ay Chlamydia ama mycoplasma sababto ) .
Daawo Xanuun jabin ahna waa lasiiyaa si qofka xanuunku uga yaraado .
Cudurkaan Tallaal buu leeyahay layiraahdo Tallaalka Oof-wareenka (Pneumococcal Vaccine) .
W/Q: Mohamoud Hashi 
 

Leave a Reply