Kalluunka Biyaha Dhanaan Iyo Ka Biyaha Macaan

0
1245

Kalluunka badda iyo kalluunka webiga waxa ay ku kala duwan yihiin midabka, qaabka iyo urta. Dhadhan ahaan kalluunka badda waa uu ka dhanaan yahay ka webiga. Kalluunka webigun waa ka madax weyn yahay kana madow yahay kalluunka badda.
Noocyada kalluunka ee webiga ku jira kunbilaha iyo kaatfishka ayaa ugu caansan. Lutfiyaha iyo ballanku waa kuwa yaryar ee lagu dabo kalluunka kale. Noocyada kale ee kalluunka webiga laga helo waxa ka mid ah talaabiyaha.
Kalluunka baddu waa ka waaweyn yahay ka webiga, waayo waxa ay leedahay waxyaabo badan oo kaalmaynaya koritaankiisa sida in ay baddu leedahay aljiga uu kalluunku cuno.
Kalluunka baddu waxa kale oo uu leeyahay meelo dugsoon oo uu ku dhalo, ugxaantiisana gabaad uu ku badbaado siiyo.
Cuntooyinka uu kalluunku ka helo webiyada wuu ka yar yahay kan uu badaha ka helo.

Leave a Reply