Wax Ka Ogow Kalluunka Iyo Muhiimaddiisa

0
446

Kalluunku wuxuu u leeyahay bini’aadamka nafaqo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin waxa lagu magacaabo Omega-3 oo aad ugu wanaagsan bini’aadamka yaraysana waxa Soomaalidu u taqaan dhiig karka, in xaydhi xidho xididada, sidoo kale waxay ka hortagtaa inuu wadnuhu istaago iyo graaca wadnaha oo aan caadi ahayn, iyo waxyaabo kale oo fara badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin. Sidoo kale waaxaa ku badan mlaayga noocyada kala gedisan ee vitamin-B oo aad muhiim ugu ah jirka biniaadamka qaybihiisa kala gedisan.
Malaaygu waxaa ku jira Mercury (meerkuri) oo ah nooc ka mid ah biraha culus kaas oo dhibaato ugaysan kara maskaxda koraysa ee canuga uurka ku jira iyo neerfayaashiisaba. Taas keliya maah ee Meerkuri wuxuu sidoo kale dhib u gaysan karaa hoooyada uurka leh.
Haddaba maxaa la gudboon hooyada uurka leh si ay u hesho uguna gudbiso canugeeda uurka ku jira nafaqada ku jirta malaayga ? Waxaa haboon inay kaluunka (malaayga) u isticmaasho si kala fog oo aan keenaynin in Meerkurigu aad ugu kordho jirkeeda sidaasna dhib ugu gaysto iyada iyo canugeedaba. Waa in aanu ka badan malaayga ay cunayso hooyadu 170gm (6oz) bishi si ay hooyadu uga badbaado dhib uga yimaada. Ma arkin diraasad ka hadlaysa in cunidda malaaygu ilmaha soo rido.
Shaki kuma jiro inuu kaluunku yahay mid aad faa’iido badan u leh, maxaa yeelay wax ku badan acid Omega iyo saliida kaluunka oo ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee dhinac maskaxda. Kaluunka laftiisa ayaa usii kala wanagaasan dhinac maskaxada waxa ugu fiican noocyada : Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos.

Leave a Reply