“Waxaan Filayaa Inaynu Al-baabadda u Furnay Xidhiidh Ina Dhex-mara Dalka Shiinaha” Danjire Mingiste

0
334

Hargaysa (Dawan): Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha danjire  Cabdi Maxamuud  Saleebaan (Mingiste), ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii  xidhiidh cusub oo is-kaashi   ay ula yeelan lahayd dalka Shiinaha, isla markaana  ay qaybteedda uga heli lahayd maal-gelinta uu dal-weynaha  Shiinuhu ku samaynayo  wadamadda qaaradda Afrika.
 
Waxaanu sheegay Danjirre Mingiste,  in dawladda  Shiinuhu  ay  ka mid  tahay  wadamadda ugu Tunka weyn  caalamka wakhtigan haddii ay noqoto dhinacyadda dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarkaba,  sidaas darteedna ay doonayaan in ay xidhiidh dhaw la yeeshaan.  Isagoo  xusay  in  sanadihii u danbeeyay uu soo xoogaysanayay  xidhiidhka u dhexeeya  dawladda Shiinaha iyo Somaliland  gaar ahaana dhinacyadda ganacsiga iyo   waxbarashadda.
 
Ambassador Mingiste, waxa uu sidaas  ka sheegay  khudbad uu xalay  ka jeediyay munaasibad lagu furayay  xafiiska ururka  jaaliyadda u dhashay dalka Shiinaha ee degan  Somaliland oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
 
Waxaana ka soo qaybgalay xafladii furitanka ururka jaaliyadda Shiinuhu  xubno ka tirsan golaha wasiirrada, qaar ka mid ah safiiradda Somaliland u fadhiya wadamada dibada,  xildhibaano,  siyaasiyiin, aqoonyahano, masuuliyiin  ka socday xisbiyadda qaranka, salaadiin, ganacsato, aqoonyahano dhallinyarro, haween,  ardayda reer Somaliland ee wax ku soo bartay dalka Shiinaha iyo marti sharaf kale.  Munaasibadaasi oo ay  soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland.
 
“Dal weynaha Shiinuhu,  waa dal aad iyo aad u balaadhan,  waa dal dundia ka ah muhiim,  waa dal dhaqaalihiisu aad u sareeyo, waa dalalka dunida maanta ugu horeeya xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarka. Waxaan qabaa in aynu xidhiidh la yeelano dalka  Shiinaha   aad iyo aad ayay muhiim u tahay.
Dhinac kale haddii aan ka eegno, dalka Shiinuhu waa dal aad iyo aad maanta u xiisaynaya qaaradda Afrika, waana dal maal-gelin balaadhan ugu tallo galay qaarada Afrika. shirkii  ugu danbeeyay haddii aan idin xasuusiyo ilaa 60 Bilyna oo dollar ayuu u qoondeeyay qaaradda Afrika horumarinteeda dhinacyada kala duwan. Dalka Shiinuhu wuxuu xiiso  weyn u hayaa maalgashiga qaaradda Afrika, inaguna  (Somaliland) waxaynu ku  naallaa qaaradda Afrika”.
 
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu  yidhi “Sidaas darteed waxaan filayaa inay muhiim tahay in aynu soo dhawayno, oo aynu xidhiidh fiican oo wada shaqayneed la yeelano. Dalka  Shiinaha muddo dheer ayaynu xidhiidh lahayn, oo xidhiidhkeenu wuu horeeyay  xiligii Somaaliya ka hor, ilaa kun sano ayuu xidhiidhku jiray, markii aynu ka mid ahayn wixii la isku odhan jiray Soomaaliya xidhiidhkeenu wuu wanaagsanaa, laakiin intii aynu dib ula soo noqonay madax-banaanideena xidhiidh macno leh ama maalgashi la taaban karro oo ina dhex-maray ma jirin”.
 
Waxa uu tilmaamay Ambassador Mingiste in dalka Shiinuhu uu ka mid yahay dawladaha wax-qabadka horumarka  dunida ugu horeeya, isla markaana ay jiraan raadad horumarineed oo uu dalka Somaliland ka fuliyay xiligii aynu ka midka ahayn wixii la siku odhan jiray Soomaaliya.
 
“Shiinuhu wuxuu  ka mid yahay dalalka ugu horeeya xagga waxqabadka,  wax badan ayaynu caalamka kale daba soconay, haddiii la qiimeeyo Shiinuhu inta uu ka qabtay dhulka degaamadda Somaliland. Waxaa ka mid ah wadadda aynu ilaa maanta marno ee ka bilaabanta Sheekh, waxay ka mid tahay waxyaabaha ay Somaliland u qabteen.   waxa kale  oo ka mid ah ceelasha biyaha ee ay Hargeysa ka biyuhu uga yimaadaan,  waxaan filayaa inay aad iyo aad muhiim u tahay Somaliland ahaan in aynu soo celino xidhiidhkii aynu la lahayn Shiinaha, kana qayb-galno tartanka loogu jiro qaaradda Afrika, ee uu wakhtigan ugu jiro dalweynaha Shiinuhu” ayuu yidhi Danjirre Mingiste.
 
Waxa uu intaasi ku daray in sanadihii u danbeeyay uu soo kobcayay xidhiidhka Somaliland iyo dalka Shiinaha, gaar ahaana  dhinaca waxbarashada. Waxaanu  yidhi “Sanadihii u danbeeyay waxaa soo  wanaagsanaanayay xidhiidhka shacabka reer Somaliland iyo ka Shiinaha, tusaale ahaan  waxa  jira ilaa 500 arday oo reer Somaliland ah, oo wax ku barta dalka Shiinaha.  Waxaana  halkan fadhiya ardayda badan oo reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay Shiinaha.  Waxaa  kale oo jirta in   dhawr iyo toban xafiis oo ay ganacsatada reer Somaliland ku leeyihiin dalka Shiinaha, waxyaabahaas oo dhammi waxay ifa-faale cusub u yihiin inay Al-baabka u furan  xidhiidh wanaagsan oo ina dhex mara  inaga (Somaliland)  iyo dalweynaha Shiinaha”.
 
Dhinaca kale Danjirre,  Cabdi Saleebaan waxa uu carabka ku dhuftay in furitaanka xafiiska ururka jaaliyadda Shiinaha ay magaaladda Hargaysa ku yeelanayaan in uu furre u yahay xidhiidh cusub oo  dhex-mara  dawladaha Somaliland iyo Shiinaha.    “Ururkan jaaliyadda Shiinaha ee ayna caawa  (xalay) furayno  isaga laftiisu faa’iido badan ayuu  inoo leeyahay,  oo ururkan jaaliyadu  wuxuu furre  u  yahay xidhiidhka  labada bulsho. Sidaas  darteed waxaan filayaa  furitaanka ururkan, jaaliyadda ka soo jeedda Shiinaha,  ee Somaliland degan inay fariin fiican u tahay dal weynaha Shiinaha, taninna  waxay  noqonaysaa  tallaabo fiican oo  ina dhex-marta  dalweynaha Shiinaha.  Jaaliyadu  waa xidhiidhka ugu horeeya ee  bulshadda, waa is-dhex-galka labadda  bulshadda, waa is-fahamka labadda bulsho”.
 
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay   aragtidiisa xafiiskan ay Somaliland ka furteen jaaliyadda u dhashay dalka Shiinaha iyo waxa uu soo kordhin karro am aka tarri-karro xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara  labadda dal. “Sharaf  ayay ii   tahay in aan caawa  (xalay)  idin kala soo qaybgalo xafladan balaadhan ee ay soo agaasimeen jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa ururkan cusub ee jaaliyadda Shiinaha.  Waxaanan  leeyahay, ku soo dhawaadda gacmo  furan,  ku soo dhawaada wadan u diyaar ah  inuu idin la yeesho xidhiidh wanaagsan.
 
Anaguna  (Somaliland) waxaanu idin furaynaa in aad dawladiinii gaadhsiisaan sida aanu bulshadiina u soo dhawaynay,  in aad anagana jaaliyadayadda u soo dhawaysaan.  Waxaan  filayaa inay caawa (xalay) noqoto markii u horaysay oo aynu si toos al-baabadda ugu furno  xidhiidhka  dal weynaha Shiinaha iyo Somaliland” ayuu yidhi Danjirre Mingiste.
 
Dhinaca kale,  waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay Mr. David  oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland waxaanu ka waramay  xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Shiinaha. Waxaanu  sheegay in wixii ka danbeeyay markii ay burburtay Soomaali weyn in xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo   Shiinaha uu talaabo talaabo u soo kordhiyay, isla markaana uu hadda jiro xidhiidh ganacsi oo ka dhexeeya labadda dal.
Mr. David waxa uu tilmaamay  inay jiraan dad badan oo  Shiine ah oo magaalooyinka Somalida ku leh meherado ganacsi sidoo kalena uu jiro xidhiidh dhaqaale iyo mid ganacsi oo ka dhexeeya Shiinaha iyo Somaliland.   Waxaanu intaas ku daray inay mustaqbalka dhaw qorshaynayaan inay dhisaan xarunta Ganacsiga Shiinaha ee Somaliland oo kulmin doonta ganansatadda Dalka u dhashay iyo kuwa Shiinaha.
“Sannadihii u danbeeyay waxaa jiray iskaashi dhaqaale, mid ganacsi iyo waxbarasho oo dhexmaray Somaliland iyo Shiinaha, waxaana jirta in gancsato badan oo reer ah inay badeecado kala duwan oo ganacsi iyo alaabooyin kale ay ka iibsadaan Shiinaha, sidoo kale waxaa jira arday Somaliand u dhashay oo wax ka barta Jaamacadaha dalka Shiinaha”ayuu yidhi guddoomiyaha jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply