Guddi Ka Tirsan Wakiiladda Oo Xaaladda Nabad-gelyadda Wax Ka Weydiiyay Taliyaha Booliska

0
560

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iimaan ayaa shalay  kulan la yeeshay  guddida  Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ugu yeedhay xafiiskooda magaaladda Hargeysa.
 
Kulankani markii uu dhammaaday waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iiman iyo gudoomiye ku-xigeen guddida difaaca qaranka iyo arrimaha bulshada ee golaha wakiilada Bashiir Tukaale.
 
“Waxa Guddidu u yeedhay oo ay su’aalo ka waydiisay Taliyaha Ciidanka Booliska  xaalada guud ee nabad galyada waddanku halka ay marayso,”ayuu yidhi Md. Bashiir Tukaalle.
 
“Gudidaa ayaa  ii yeedhay waxaanu wax isk waydiinay xaaladda guud ee nabad galyada dalka. Nabad-gelyadda dalku caam ahaan aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Wixii ay na weydiiyeen oo dhan-na waanu uga jawaabnay,”Ayuu isna yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.
 
 
 
 
 
“Gorfeynta buugga 100 tallaabo hore u qaad.”
Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim; Buuggan oo uu qoray aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, magaciisuna yahay “100 tallaabo hore u qaad,”  ayaan jeclaystay inaan intii RABBi iga waafajiyo ka tilmaamo guud ahaan wanaagga iyo dhalliilaha iiga muuqda labadaba.    Buug yarehanni waa buug noociisu ku cusub yahay guud ahaan dalka, waa buug dhiiri-galinneed aad iyo aad u soo jiidasho badan, muuqaalka jaldiga iyo magaca buugga marka aad isha ku dhufato, waxa aad dareemaysaa in awood qarsooni kuu jiidayso gudaha buugga.Haddaad gudaha buugga gasho tallaabooyin wax ku ool ah ayuu qoruhu buugga ku soo ururiyay. Waxa aan filayaa in dad badan ka faa’iidaysteen, waana tallaabooyin qofkii sidooda u raaca noloshiisa wax badan ka beddelaya.
Shakhsiyadda qoraa Maxamed Cali Bile; inkastoo aqoon-qofeed aanan u lahayn, waxa aan asaxaab ka nahay bar kulanka (facebook) inta badan waxa aan arkaa wacyi galin iyo waanooyin wax  ku ool ah isagoo la wadaagaya dhallinyarta.Waxaa qoraalkiisa iiga baxay laba shay oo kala ah 1. inuu yahay qof xidhiidhka ku wanaagsan oo dad badan ku xidhan 2. Inuu yahay qof hurumarka jecel isla-markaa da’yarta hurumarkooda jecel. Xaasha, lagama yaabo inaan asaraar galiyo, Inuu waayo arag aqoon yahan ah yahay oo meelo badanna ka soo shaqeeyay.
Gefefka buuggan ku jira: Dhowr jaad gef qoraal ayaa ku jira buugga waxay se u badan yihiin qaar dhinaca higgaadda ah, haba ugu badnaato xarfaha labinlaabma’e. way jiraan gefef kale oo dhinaca Naxwaha ah,hasa yeeshee, sidaa uma sii badna. Buuggan haddaad haysato lambarka khaladka aan tilmaamay, bogga,tallaabada iyo meeriska si toos ah haddaad u tagto waxaa kuu muuqanaya gefka aan tilmaamay.

  1. FG. Maxamed Cali Bile oo kaliya si gaar ah uma bartilmaameedsan, qoraalkaygu waa u dhex qofkasta oo wax qora, buuggan kii iiga horreeyayna wuxuu ahaa ‘Hagar laawe,’ sidoo kale xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland 28 warqadood oo gef qoraalkooda aan ku tilmaamayo ayaan qoray, meelaha kale ee aan gef qoraalkooda wax ka sheegay waxaa ka mid ah; Telesom, Dahabshiil, Somcable iyo meelo kale oo badan. Ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahayna waa in dadku xil iska saaraan qoraalka Soomaliga sida ay qoraallada afafka kale’ba xilka iskaga saarayaan.

 

  1. Casharro aan lagu baran jaamacadda; jaldiga buugga ayuu qoruhu ku qoray, waxaa’se iga la habboonnayd inuu ka dhigo “Casharro aan lagu baran jaamacaddaha,” sababtuna waxa weeyaan dadka uu qoruhu buuggan ugu talo galay waa dad jaamacado kala geddisan ka soo baxay, wuxuuna qoraalka Maxamed Cali Bile u muuqdaa in uu tilmaamayo jaamacad la isla yaqaan.
  2. Buuggani ma leh tusmo: Buugta la qoro tusmadu waa u laf-dhabar waana fallaadhaha haga akhristaha una fududeeya in uu si sahlan u tago akhristuhu qodobka uu jeclaysto.
  3. Buuggani ma leh xigasho: Qoruhu waxa xigasho ah oo uu buuggiisa ku bixiyay ma jirto, haba-yaraatee, taa macneheeduna waa in qoruhu hal erayna ha ahaadee aanu meel kale ka helin, xataa buug uu akhriyay. Haddii dhammaan tallaabooyinkan uu qoruhu buugga ku soo ururiyay ay yihiin waayo aragnimo uu isagu soo tijaabiyay, taa lafteeda ma caddayn!
  4. Buuggani ma leh mahadnaq: Hal qofna ha ahaadee qoruhu cidna kuma mahaddin buuggan, waxaanay marag u noqonaysaa in aanu cidna ka tallo galin buugga.

Leave a Reply