Shixnad Baco Ah Oo Markii u Horeysay Lagu Gubay Goob Fagaare Ah

0
465

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka ilaalinta  Cashuuraha Somaliland ayaa  gubay  shixnad baco ah oo sifo kootarabaan ah dalka lagu soo  gelinayay oo ay qabteen, kuwaasi oo isticmaalkooda iyo ka ganacsigoodaba laga mamnuucay dalka, ka dib markii uu madaxweynaha Somaliland amar ka soo saaray.
Taliyaha Qaybta  ciidanka ilaalanta  cashuuraha Somaliland Gaashaanle  Saleebaan  Ducaalle Ubaxle  ayaa warbaahinta qaranka la hadlay  kadib markii ay gubayeen bacahaasi waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay)  gubnay qeybo ka mid ah bacihii dalkeenna laga mamnuucay  oo ay ciidanka ilaalada cashuuraha  Somaliland  qabteen  iyadoo si fo tuugo  ah dalkeenna lagu soo gelinayo.”
 
“Annaga oo fulinayna  amarkii Madaxwayna Somaliland ee mamnuucayay in bacaha dalka la keeno nooc kasta oo ay yihiin isla markaana tix-raacayna warqadii amarka ahayd ee Taliyaha Ciidanka  Booliska Somaliland ee ahayd in ciidanka ilaalada cashuuruhu qabtaan bacahaasi  meel kasta oo dalka laga soo gelinayo.  waxaanu maanta  (shalay )  halkan  kastamka dhexe ee magaalada Hargeysa dhexdiisa ku gubaynaa saddex  jawaan oo waaweyn  oo  lagu soo qariyay bacahaasi la mamnuucay  kuwooda wax lagu rito  oo sifo tuugo ah la rabay in magaalada Hargeysa lagu geliyo la rabay oo ciidanka ilaalada cashuuruhu qabteen,” ayuu yidhi Taliyaha Qeybta  ciidanka ilaalanta  cashuuruhu.
 
.
Taliyuhu   waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu muwaadiniinta reer Somaliland ka codsanaynaa in ay fuliyaan amarkaasi lagu mamnuucay bacaha oo aynu dhammaanteen og nahay dhibaatada ay deegaanka iyo xooleheenna ku hayso.  waxaa aad muwaadin og tahay in la joojiyay warshadihii  bacaha soo saari jiray iyo dhammaan bac oo dhan haddii ay tahay noocyada wax lagu rito iyo ta baabuurta lagu xidho ee loo yaqaano beersoosha.”
 
“Wuwaadin adiga oo fulinaya amarkaasi ka soo baxay dawladaada  ee mamnuucayay bacaha adigoo muwaadin dalkaaga  iyo deegaankaaga u tudhaaya waxaanu kaa codsanaynaa in aanad dalka keenin wax bac ah . Waxaa aanu ku war-gelinaynaa dhammaan ciidamada Booliiska iyo ciidanka ilaalada cashuuraha ee jooga xadadka dalka laga soo galo in ay qabtaan nooc kasta oo bacaha ka mid ah oo dalkeenna soo gelaysa   oo ay fuliyaan amarkaasi,” ayuu yidhi Taliyaha  Gaashaanle  Saleebaan  Ducaale Ubaxle. Waxa kale oo uu muwaadiniita cashuur bixiyeyaasha ah ku war-galiyay in ay bixiyaan cashuuraha bariga nooc kasta oo ay yihiin gaadiid iyo guryaba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply