Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Loo Furdaamiyay Hanaan Beeleed Iyo Salaadiin Ku Dhawaaqday Heshiis Aan Qoddobo Lahayn

0
407

Hargaysa (Dawan):- Khilaafkii xisbiga UCID ee u dhaxeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashax Jamaal Cali Xuseen, ayaa shalay lagu dhawaaqay in la furdaamiyay oo heshiis laga gaadhay, iyadoo khilaafkan loo maareeyay hanaan beeleed oo ay labada dhinac u kala dab-qaadeen salaadiinta labada beelood ee labadaas masuul ka soo kala jeedaan. Khilaafkan oo ka dhashay markii uu dhawaan Faysal Cali Waraabe shaaciyay in lagu tartami doono murrashaxnimadda jagada madaxweynaha xisbiga UCID. Halka Jamaal Cali Xuseen uu isna ku dooday in murrashaxa madaxweynaha hore loogu doortay oo aanay caqli gal ahayn in lagula tartamo murrashaxnimadiisa oo uu ku dooday in Golaha dhexe ansixiyeen.
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Suldaan Shariif Batuun oo soo kala jeeda labada ardaa ee Guddoomiyaha UCID iyo Jamaal Cali Xuseen,  oo shalay si wada jira warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay  in is-af-garad iyo heshiis laga gaadhay khilaafkii  u dhexeeyay madaxda xisbiga UCID,   isla markaana aanu jirin haatan  khilaaf ka dhex taagan masuuliyiinta xisbigaas.
“Beryahan dambe waxaa   jiray khilaaf xisbiga UCID dhexdiisa ka jiray. Maanta  (shalay)  ayaan  soo af-jarnay,  wax khilaaf ahina ma jiro, waana la isku gacan qaaday. Sidii Guddoomiyaha xisbigu   uu  sheegay waxa uu yidhi Jamaal ayaa murrashax ah,  anigu musharax ma ihi.  Laakiin  guddoomiyihii xisbiga ayaan ahay,  golaha dhexena wuu dhisan yahay,  inta ka dhimana waa la dhisi doonaa.  Laakiin  af-kiisa  ka maan maqal  anigaa  musharax ah. Dadkuna wax aan jirin ayay iskaga hadlaan. Faysal waa ka beri  arrinta  lagu eedaynayo,”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir.
Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in uu maalintii  Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, Heshiiska kala saxeexdeen uu goob joog ka ahaa, waxaanu yidhi  “Heshiiska maalintii ay Jamaal wada galeen Faysal   waan fadhinay,  aniga iyo Xaaji Cabdi Waraabe.  Laba  qof inay heshiiyaan  macno ma laha,  labadaa qof ee heshiiyay. Beello  dhan ayaa heshiisay,  arrinkani   waa arrin siyaasiya,  waa xisbi dhan,  laakiin waxaa  loo baahan yahay labadaa reer   ee  is-bahaystay in xisbiga UCID  ka soo dhalaalaan,  oo  ay dhistaan.”
Sidoo kale Suldaan Shariif Batuun,  ayaa isna  sheegay in la iskaga  garaabay  khilaafkii ka dhex jiray xisbiga UCID isla markaana wixii hadhsana  la dhamayn doono. Waxaanu yidhi  “Hawshii  beryahan ka jirtay xisbiga UCID,  ee mudada aan u soo wadnay,  ee labada dhinac  ahayd  si wanaagsan oo is-af-garada ah,  oo midho-dhali   doonta   ayay ku dhammaatay. Wixii hadhsana si hawl yar ayay u dhammaanaysaa. Si wanaagsan ayaa la iskaga garaabay,  oo sidii labada reer ahaan jireen ah.”   Salaadiintani may soo bandhigin wax qoddobo ah oo heshiiskan ay ku dhawaaqeen lagu xoojinayo. Sidoo kale illaa imika lama garanayo inay labadii dhinac ee khilaafka UCID u dhaxeeyay ay aqbali doon aan heshiiskan iyo in kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply