Dalka Dunida Ugu Nolosha Fiican Iyo Kan UGu Xun

0
384

Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ayaa dalka ugu nolosha wanaagsan dunida ee sanadkan 2015 ka dhigay dalka Norway. Barnaamijkan ayaa ka qiimeeya dalalka dhinacyada dakhliga sanadlaha ah ee qofka soo gala, heerka saboolnimada, iyo da’da dhexdhexaadka ah ee dhimishada dadkiisa. Sidaas darteedna marka arimhaasi la isku daray la qiimeeyay waxa kaalinta koowaad galay dalka Norway.
Waxa kale oo yaab noqotay in dalkani kaalintan galay 12 sanadood oo isku xiga oo aanu jirin dal kale oo weli ka qaaday kaalintaasi ah dalka ugu nolosha wanaagsan dunida. Sidoo waxa 12 sanadood ee u danbeeyay iyana kaalinta dalka ugu nolosha xun dunida haysta dalalka Nayjar iyo dalka Afrikada dhexe.
Dalka Norway ayaa da’da celceliska ah ee ay dadku ku dhintaan noqotay  81.6 sano, halka 17 sano oo dhinaca waxbarashadana uu ilma kastaa haysto. Dalkan ma jirto shaqo la’aani iyo in caruurta la shaqaaleeyo. Arimahaasi oo dhan ayaa ka dhigay dalka dunida ugu nolosha fiican.

Leave a Reply