Maxkamadda Sare Ee Ciidammadda Oo Xukun Dil Ah ku Riday Askarigii Dilay Sarkaal ka tirsan Booliska Berbera

0
691

Hargeysa (Dawan)- Maxkamadda Sare  ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland,  ayaa dil toogasho ah ku xukuntay   C/risaaq  Maxamed Khayre oo ah askarigii khamiistii todobaadkii hore dilay   taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil Alle ha u naxariistii Xidigle Aadan Guuleed Daahir (Talaabo).
 
Guddoomiyaha maxkamadda Sare  ee ciidamada gaashaanle Maxamuud Xirsi Faarax oo shalay magaaladda Berbera kaga dhawaaqay xukunka dilka ah,waxaanu yidhi  “Markii  aanu aragnay xukunkii maxkammada derajada Koowaad ee ciidamadda ee ay ku dhawaaqday 18/12/2015. Markii aanu aragnay danta guud ee cadaalada. Waxa maxkamadda sare ee derajada labaad ee ciidamada qalabka sida Somaliland  ku xukuntay gacan ku dhiiglahan  dil, maadaama oo uu  taliyihii ciidankiisa uu  si  badheedh  ah ugu toogtay, iyadoo wax sabab ah oo uu u dilay sheegi kari waayay ee ay ahayd wax  uu isagu goostay in taliyihiisa dilo. Laakiin aanaan ogaan in cid kale ka dambaysay  manaanu  helin xog caynkaas ah. Sidaas ayuu go’aankii maxkamaddu ku dhammaaday.”
Geesta kalena Maxkamadda derajadda koowaad ee ciidammadda ayaa jimcihii la soo dhaafay xukun dil ah ugu riday askarigaas lagu helay inuu si badheedh ah u khaarajiyay Taliyihii ciidanka birmadka gobolka Saaxil.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply