Wasiirka Waxbarashadda Oo Nidar Ku Maray In Aanay Aqbalayn Macalimiinta Tabobarani u Shaqo Tagaan Dugsiyadda Gaarka Ah

0
444

Hargaysa (Dawan):  Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare  ee Somaliland C/laahi  Ibraahim Habanne (Cabdilaahi Dheere),  ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan macalimiinta ay dawladu tababartay  ee u shaqo tagga dugsiyadda gaarka loo leeyahay, maadaama oo ay wasaaradu tacab badan gelisay, isla markaana aanay dhici doonin in macalimiintu ay ka tagaan shaqadda dugsiyadda dawladda.
Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay  kulan  uu shalay  la yeeshay  maamuleyaasha dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah ee Gobolka Maroodi-jeex. Waxxaanu kula dar-daarmay maamuleyaasha dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah in ay iyaga masuuliyadda koowaad ka saran tahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa heerka waxbarasho ee dugsiyadda dhexe iyo hoose ee dalka gaar ahaana kuwa dawliga ah.
Kulankaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayaa   lagu lafo-guray sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda  dugsiyadda dawladda ee  hoose dhexe ee dalka. Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka waxbarashadda Yuusuf Cismaan Garas, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Abiib Axmed Cali,  guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodijeex waaxda galbeedka iyo bariga  Xuseen Ibraahim Xasan, iyo Ismaaciil Cali  Faarax (dhubato).
 
Wasiirka waxbarashadda oo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda kulankaasi, waxa uu yidhi “Haddii aad tihiin maamuleyaashii dugsiyadda hoose dhexe ee dalka gaar ahaana kuwa dawliga ah, waxaanu idiinku yeedhnay marka hore in aynu kala war-qaadano. Marka labaad-na waxbarashadda aasaasigeedii   idinka ayaa gacanta ku haya, oo maamulaya.  Waxbarashadda dalkuna, sida ay Hargaysa uga shaqayso ayuun buu dalkuna u shaqaynayaa, halkan wixii ka socda ayuun baa goboladana gaadhaya”.
 
Wuxuu sheegay wasiirku in aanay wasaaradu waxba ka hag-ran doonin sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda dugsiyadda dhexe iyo hoose ee dawliga ah. “Inagu (dawladda) waxaynu haysanaa waxyaabo badan, hadana inagoo wax badan  haysana  macalinkii tababarnaa wuu inaga tegay. Tababar ayaa la geliyay, kharash ayaa la geliyay, wasaaradda waxbarashadda ayaa loo tababaray, wixii hadda ka danbeeya heshiis ayaan la gelaynaa. Ma waxaynu u tababaraynay in uu iskuul kale  oo gaar loo leeyahay u shaqo tago, mise in uu wax ku soo celiyo bulshadii, ilayn hanti ummadeed ayaa ku baxdaye”ayuu yidhi wasiir C/laahi Dheere.
Isagoo hadalkiisa sii watyan waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in aynu kabno  tacliinta dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah, waayo aasaaskii waxbarashadu waa idinka (maamuleyaasha),  anaguna (wasaaaradda) waanu idinla soconaynaa.     Wax Allaale iyo wixii la heli karayaba waanu raadinaynaa,  idinkana is-xil qaam ayaa la idinka doonayaa.  Idinma odhanayno aduun baad haysaan, oo kaaf-doon ayaad tihiin,  laakiin waxaanu idin leenahay dedaalkiina iyo kartidiina, is-xil-qaama oo wax qabta. Oo ninka inoo shaqaynaya  iyo ka aan inoo shaqaynaynin ha inoo kala duwanaadaan.”
Xuseen Ibraahim Xasan, oo ah guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodijeex waaxda galbeedka iyo bariga, oo  halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay  u jeedadda kulankaasi oo uu sheegay in ay tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayadda dugsiyadda dawliga ah ee dalka gaar ahaana kuwa  hoose dhexe.
Waxaanu  dar-daaran u diray maamuleyaasha iyo ,acalimiinta dugsiyadda hoose dhexe, kuwaasi oo uu u soo jeediyay  in aanu jiri doonin in macalimiintu ay guryahoodda ku soo saxaan imtixaanka teeramka koowaad oo maanta dalka ka bilaabanaya. Waxaanu yidhi “Waxaa inoo bilaabmaya berito (maanta) imtixaankii yarraa ee dugsiyadda hoose dhexe. Waxaan jecelahay in aan idiin sheego  ogaysiis yar oo lagama maarmaan ah, imtixaan la qaaday oo magaaladda lala tegayo ama aqalba ha ahaatee ma jirayo, imtixaanka xafiiska ayaa lagu xidhayaa maamuleyaaloow. Marka laga soo baxo maadadda, xafiiska ayaa lagu xidhayaa,  macalinka saxayaana waa in uu ku saxaa xafiiska dugsiga.” Dhinaca kale, qaar ka mid ahaa maamuleyaasha dugsiyadda hoose ee dhexe ee dawliga ah ee kulankaasi ka qayb galay oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa  soo dhaweeyay   qorshahan cusub ee ay soo saartay  wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare. Waxaanay tilmaameen xubnahaasi in  baahiyaha kala duwan ee ay qabaan  in ay la qabaan qaranka, isla markaana ay dhinacoodda diyaar u yihiin  in ay sida ugu wanaagsan waajibaadkoodda u gutaan.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply