“WADDANI Waa Saddex Jir, KULMIYE Iyo UCID Way Uga Khibrad Badan Yihiin Xalinta Khilaafaadka” Maxamed Qabo

0
351

Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)-La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca doorashooyinka Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa ku tilmaamay xisbiga WADDANI mid layli ku ah saaxada siyaasadda dalka isla markaana ay ka khibrad badan yihiin labada xisbi ee KULMIYE  iyo UCID.

Maxamed Ibraahim waxa uu sidaas  ka shegay mar uu shalay  ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga WADDANI  xildhibaan Buubaa oo adag  u weeraray Maxamed Ibraahim Qabo.

“Ibraahim Buubaa waa  nin hanfade ah  oo had iyo jeer hubsiimo la’aan waxyaabo badan ugu dhaca.Haddii cidi foojari tahay. Ibraahim waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii sarifleyaasha ahaa ee suuqa Daarasalaam wax ku sarifi jiray xilligii   laga sharaxay xisbiga UCID 2005 doorashadii golaha wakiilada waxaana la yaab leh isagoo waxba hubsan oo jaraa’idka akhriyin wixii aan ku qoray inuu  iska hadlay,”ayuu yidhi Mr. Qabo.

Maxamed Ibraahim Qabo waxa uu sheegay in falan-qeyn uu ku sameeyay  mustaqbalka WADDANI uu Xildhibaan Ibraahim Mahdi ka xumaaday, waxaanu yidhi “Xisbiga WADDANI  waa xisbi laba jirsaday oo saddex sanno ayuu  jiraa.Sababahaa dartood,  labada xisbi ee kale khilaaf faro badan ayaa soo maray, waa laba xisbi oo ka da’ weyn, sababta aan u leeyahay waan u baqo qabaa, maadaama oo aanu jirin khilaaf hore oo WADDANI ka soo dhex dhacay, labada xisbi ee kale wuu soo daashaday khilaafku, waxaana laga yaabaa inay khibrad u leeyihiin.Laakiin haddii wax laga bedalo hoggaanka WADDANI  C/raxmaan Cirro iyo  Axmed Muumin Seed, Waxa laga yaabaa khilaafka ka yimaadaa inuu waxyeelo u keeno kalmadaydu taas ayay ahayd xisbiyadana waad ka aragteen haddii hoggaanka wax laga bedalo in khilaaf ku yimaado.Sababtaas ayaan u idhi oo aan wargeyska  War-sugan ku soo qoray, mana aha wax turxaan ah, ee waa aqoon aan  u leenahay xisbiyadda.”

Leave a Reply