Abaanduulihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Oo Ku Geeriyooday Jabuuti

0
353

Hargeysa (Dawan)- Ilaahay ha u naxariistee waxa shalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Jabuuti Abaandulihii hore ee ciidammada qaranka Somaliland  Marxuum-Col. Ibraahim Caydiid Dhab-dhable.

Marxuumku waxa Jabuuti maalmo ka hor loogu qaaday xaalad caafimaad,waxaana lagu wadaa in maydkiisa laga soo duuliyo Jabuuti oo aas qaran loogu sameeyo magaaladda Hargeysa maanta.Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee ciidammada ee kaalinta wax ku oolka ah ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha ciidanka qaranka.

Alle ha u naxariistee Marxuum-Ibraahim Caydiid Dhab-dhable waxa uu ku dhashay Magaaladda Buuhoodle sannadkii 1950-kii, waxa uu waxbarashadiisii hoose ka bilaabay magaaladda Burco, halka uu dugsiyaddii dhexe  ku dhamaystay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool. Isagoo dugsigiisii sarena kaga baxay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.Marxuumku waxa uu ciidammadda ku biiray xilligii Soomaaliya sannadkii 1973-kii, waxaanu ka mid noqday dhalinyaradii akaadamiga ahayd ee loo diray dalka Ruushka, markii dambena lagu qaatay xidigleyaasha.
Col. Ibraahim caydiid waxaa uu ka soo jeeday qoys ciidan isagoo aabihii Caydiid Dhab-dhable ahaa askari ka tirsan dawladii ingiriiska,waxaana ay ciidamada kaga mid noqdeen isaga iyo laba kale oo dhammaantood gaadhay gaashaanleyaal sare. waxayna kala ahaayeen  Cabdiraxmaan Caydiid Dhab-dhable. Waxa kale oo isagana ay Marxuumka walaalo ahaayeen Col. Cabdilaahi Caydiid Dhab-dhable.

Marxuum- ibraahim Caydiid Dhab-dhable wuxuu ifka kaga tegey 4 caruur ah oo saddex ka mid ahi ay yihiin wiilal.

Leave a Reply