Xildhibaan Golihiisa Ku Eedeeyay Inaanay Weli Ansixin Xeer Bulshadda Waxtar u Leh

0
327

Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)-Xildhibaan Xaamud  Cismaan Cigaal oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ayaa si adag u naqdiyay aqalka uu  ka tirsan yahay oo uu ku eedeeyay inaanay ansixin xeer kaliya oo bulshadda dani ugu jirto.

Xildhibaan Xaamud,  waxa uu sheegay in mudaneyaasha Golaha Wakiiladdu aanay meel marin xeerar muhiima  oo uu ka mid yahay xeerkii doorashada golahooda, waxaana uu xusay in guddi hoosaadyadu  aanay  Golaha u soo gudbin xeerarkii ay xukuumaddu u soo gudbisay.

“Sida runta ah xeer aan isleeyahay qiimo ayuu leeyahay oo Goluhu meel mariyay ma jiro. intii golaha wakiilada furnaa.Xeerar badan oo muhiima oo goluhu saddex sanno haystay  ayaa jiray sida xeerka waxbarashada oo kale oo  aan la dhammaystirin. Waxa kale oo muhiima xeerka kufsiga oo dhawaan golaha la soo hor dhigay, kuwii ka soo horeeyay oo dhamina way yaalaan. Xeerarka marka la soo gudbiyo guddi ayaa loo gudbiyaa, guddidu dhakhso uma soo celiso aad iyo aad ayay u fool xun tahay lagumana yidhaahdo soo dhammaystira xeerkii lay bulshaddu doonaysay,”ayuu yidhi Xildhibaan Xaamud Cismaan.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku kabay “Waxa kale oo Golaha horyaala 13 xeer oo aad u muhiima. Waxa ka mida kii Golaha lagu soo dooranayay, sannad iyo laba bilood  ayaa ka hadhay mudadii hore  loo kordhiyay, laakiin inta laga seexdo in la yidhaahdo duuduub ku ansixiyam ma wanaagsana taasi waa wax xun.”

Xildhibaan Xaamud Cismaan waxa uu ku dooday in Guddoomiye Cirro dabadii aqalkaas loo doorto Guddoomiye dhex-dhexaad ah oo hoggaamin kara Golaha.  “Waan maqlay dhawr nin oo yidhi murrashaxiin ayaanu u nahay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda  in la siyaasadeeyo oo xisbi loo arko qofka xilkaas qabanaya  maaha. Qof walba waa inuu  damiirkiisu xukuumaa oo uu wax ku doorto. Waa in la is weydiiyaa  yaa  golaha isku wadaya oo dhex dhexaada, golahani toban sanno ayuu jiray waa la is karaahiyaystay oo waa la is nebcaystay, waanu kala qeybsan yahay Golaha Wakiiladdu,” Ayuu yidhi Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo shalay u warramayay Star TV.

Leave a Reply