Badhasaabka Cusub Ee Daad-madheedh Oo Ka Hadlay Masuuliyadda Culus Ee Uu Qaranku U Xambaariyay

0
341

Hargeysa(Dawan):- Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gobolka Daad-Madheedh
Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ka dareen celiyay xilka loo magacaabay, waxaanu u  mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u magcaabay habeen hore.
“Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu ii magacaabay markii uu ku arkay CV-gayga, isla markaana Aqoontayda iyo waaya-aragnimadayda ee ku qancay inaan hanan karo xilkaa, waxaana Ilaahay ka baryayaa inuu xilkaas  igu asturo,”ayuu yidhi Badhasaabka cusub ee Daad-madheedh oo u waramayay shabakadda Araweelo news.
Dr. Axmed Naasir, wuxuu sheegay inuu horeba u ahaa shaqaalle dawladeed, deegaanka loo magacaabayna uu yahay gobol balaadhan oo Xoollaha iyo Beerahaba caan ku ah, isla markaana aanu ku cusbayn oo uu hore uga shaqeeyay aqoon fiicanna u leeyahay, waxaanu yidhi   “Marka horeba shaqaalle dawladeed ayaan ahaa, deegaanka la ii magacaabayna, waa deegaan balaadhan oo xoolaha iyo beeraha caan kua ah, waana ka soo shaqeeyay oo iguma cusba.”
Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh, ayaa hore xilal uga soo qabtay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka TB-da,, wuxuuna waqtigan ka mid ahaa saraakiisha mid ka mid ah Hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Somaliland, isagoo aqoon fiican u leh Maamulka iyo Maaraynta,xalinta Khilaadka, qorshaynta mashariicda, Wacyigelinta iyo Horumarinta Bulshadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply