Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday In Maanta Uu Dalka Ka Bilaabmayo Tallaalka Cudurka Jadeecadda

0
369

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Khamiis ah uu  guud ahaanba dalka oo dhan ka bilaabmayo talaalka cudurka Jadeecadda , kaasi oo laga  talaali doono    carruurta da’doodu  u  dhaxayso  sagaal bilood  ilaa sagaalka sano.
 
Munaasibadii  lagaga dhawaaqay bilawga ololaha talaalka Jadeecadda oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka ayaa waxa  ka qaybgalay masuuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka iyo  saraakiil metelayay hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqayta la leh wasaaradda caafimaadka.Ololahan talaalka cudurka Jadeecadda oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa lagu talaali doonaa carruurta ay da’doodu u dhaxay 9 bilood ilaa 9 jir. Waxaanu qorshuhu yahay in lagu talaalo caruur ay tiradoodu gaadhayso hal milyan.
 
Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaarada caafimaadka Abiib Aadan Nuur, oo hadal ka jeediyay furitaankii ololaha cudurka Jadeecada ayaa ka waramay  muhiimadda uu leeyahay talaalka cudurka   jadeecadda  iyo sida loogu baahan yahay in shaqaalaha  caafimaadku ay uga  faa’iideeyaan shacbiga, Waxaanu yidhi “Ololahan talaalka Jadeecadda oo aynu ku beegsanayno, ama ku talaalayno carruurta ay da’doodu u dhaxayso 9 bilood ilaa sagaal sanadood. Wuxuu yahay iyadoo  wasaaradda caafimaadku   ka duulaysa  siyaasadda  xukuumadda ee heer qaran, waxay  tahay ujeedadda laga doonayaa in ilmo kasta oo reer Somaliland uu hello talaalkii uu xaqa u lahaa. Maadaama oo aynaan gaadhin  heerkii loo baahnaa. Wareegan  iyo wareega labaad ee ku   xigga oo aanu dhawaan qaban doono,  waxaa lagu beegsanayaa in lagu talaalo hal milyan oo carruur ah, oo da’doodu u dhaxayso 9 bilood ilaa 9 sanadood.”
 
Sidoo kale, Isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Maroodi Jeex Cabdi Xuseen Caalin (Cabdi-dheere),  oo isna ka hadlay xafladii lagaga dhawaaqay ololaha talaalka jadeecadda  ayaa ugu baaqay hawl-wadeena talaalka ee gobolka Maroodi Jeex  ka hawlgelaya in ay si hufan u gutaan bixinta talaalka.
Cabdi Dheere, ayaa sidoo kale u soo jeediyay waalidiinta inay sida loogu tallo galay uga faa’iidaystaan talaalkani lagula dagaalamayo cudurka Jadeecadda uu ku tilmaamay in uu yahay dilaa. “Waa talaalkii Jadeecadda, wuxuu soconayaa mudo shan maalmood ah.  Kadibna  bisha danbe labadeeda ayaa la bilaabi  doonaa wejiga kale oo isna socon doona shan maalmood. Gobolka Maroodi Jeex waxaa  ka halwgelayaa 601 kooxood, 601-da kooxood waa tgobolka Maroodi Jeex oo dhan  Gabiley, Baligubadle iyo degmooyinka Hargeysa ayaa loo qaybinayaa,” ayuu yidhi Cabdi-dheere. Dhinaca kale munaasibado   lagaga dhawaaqay bilawga tallaalka cudurka jadeecadda ayaa shalay lagu qabtay  qaar ka mid ah goboladda dalka sida  magaalooyinka Burco iyo Boorama.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply