Biyaha Oo La Cabo Cuntada Ka Dib Caloosha Ayay Wax Yeeshaa

0
579

Dhakhaatiirta caafimaadka wadanka Maraykanka ayaa sheegay in biyaha iyo waxyaalaha kale ee dareeraha ah sida shaaha oo kale ay waxyeelo soo gaadhsiiyaan caloosha ,gaar ahaana dheef shiidka marka la cabo cuntada kadib.
Dhakhaatiirtan ayaa sidoo kale sheegay in waxyaalahaasi dareeraha ahi ay cidhiidhi geliyaan hababka uu u shaqeeyo mindhicirka yari,taas oo iyaduna dhibaato kale ku keenta habka dheefshiidka ee jidhka .
Khubaradan ayaa iyaga oo arrintaasi ka hadlaayey yidhi “marka aad biyo cabto ee aad haddana wax liqdo waxay taasi keentaa inuu dhibaato soo gaadho caloosha”.
Kooxdan dhakhaatiirta ah oo samaysay dhowaan tijaabooyin ay ku daraasaynayeen biyaha iyo cuntada iyo saamaynta ay isku lee yihiin ayaa sheegay in marka uu qofku wax cunaayo ay calooshuna diyaariyso dheecaano si ay si fudud ugu ridiqdo calooshu cuntadaasi,marka la cabo biyona ay biyahaasi badhxaan dheecaanadaasi,taasina ay sababto in ay yaraato awoodii dheefshiid ee calooshu.
Khubaradan dhakhaatiirta ah ayaa sheegay in dareeraha ugu khatarsani yahay ka sonkortu ku jirto,kaas oo sababa xanuuno badan,kadib markay la falgalaan dheecaanadaasi ay calooshu soodeyso .

Leave a Reply