Maxaad Ka Taqaanaa Guriga Ugu Qaalisa Caalamka, Halkee Se Ayuu Ku Yaalaa?

0
370

Gurigii ugu qaalisanaa ayaa sannadkan noqday guri laga dhisay dalkaasi Maraykanka ,gaar ahaana gobolka Georgia,kaas oo ku yaala meel dhulka hoostiisa ah ,waxaanu dhulka hoos ugu jiraa 13 meter.
Gurigan ayaa ka kooban ilaa 12 qol oo loogu talo galay hurdada,halka uu sidoo kalena lee yahay 12 xamaam oo iyaguna ku yaala halkaasi,waxaana gurigan si farshaxamaysan u dhisay nin Injineer ah oo u dhashay wadankaasi Maraykanka,kana tirsanaa ciidamada wadankaasi sannadkii 1969 ,intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa ee ka socday caalamka.
Gurigan ayaa noqday ka ugu qaalisan guryaha sannadkan iibkooda lasoo bandhigay,waxaana la siinayey lacag aad u badan oo gaadheysa ilaa $7 million oo lacagta Dollarka  Maraykanka ah,taas oo sabab u noqotay inuu noqdo guriga ugu qaalisan.
Gurigan ayaa dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey sannadkii 2012 kii,iyada oo la waafajinaayey sharciyada u dejisan guryaha dhulka ku hoos yaal ee wadankaasi,madaama oo uu gurigani yahay mid ku hoos yaala dhulka,waxaanu wax yar u jiraa magaalada Savannah ee wadankaasi Maraykanka oo ku taala gobolka Gorgeia.
Gurigan ayaa lagu kordhiyey waxyaalo cusub oo uu kamid yahay meel tiyaater ah oo ay yaalaan kuraasi dhan ilaa 15 kursi iyo sidoo kalena madbakh,sidoo kalena waxa ku yaala laba dukaan oo waaweyn una dhisan habka Malls ka ,sidoo kalena waxa ku yaala laba qol oo shirarka loogu talo galay.
Gurigan ayaa ninkaasi askariga ahi ugu talo galay in uu ka galo hadii uu dhaco dagaal laysu adeegsado hubka Nuclear-ka,waxaana lagaga badbaadi karaa qaraxa uu sameeyo hubkaasi ,waana dherer aanu gaadhay hubkaasi qiyaas ahaan 20 kilotons ,isaga oo leh sidoo kalena meel weyn oo biyo ku jiraan gaadhaysana ilaa 91 meter.
 
 

Leave a Reply